Wafdi Musharixiin uu horkacayo Xasan Sheekh oo gaarey Puntland

Puntland ayaa waxaa isagu tagey siyaasiyiin Mucaaradka iyo dowladda ka socda, oo ujeedooyin kala duwan wata ayaa ku qulqulaya Garoowe.

Warar Keydmedia Online
Wafdi Musharixiin uu horkacayo Xasan Sheekh oo gaarey Puntland

GAROOWE, Soomaaliya - Puntland ayaa kulminaysa shaqiyaad ka socda mucaarad iyo dowladda, oo Garoowe uga qeybgali doono kulamo kala duwan, oo siyaasadda, amniga iyo doorashooyinka looga hadli doono.

Waxaa galabta gaarey magaaladda wafdi uu hogaaminayo Xasan Sheekh oo Deni kusoo dhaweeyay Madaxtooyadda, waxaana la filayaa inay caawa yeeshaan kulamo gaar ah, oo xaaladda dalka, gaar ahaan khilaafka doorashooyinka isaga wareysan doonaan.

Machadka Heritage ee fadhigiisu yahay Muqdisho, ayaa ku qabanaya Garoowe Talaadada kulan fikrado la isku dhaafsan doono, oo ay ka qeybgalayaan 200 oo qof, oo siyaasiyiin, ganacsato, dhalinyaro iyo dad kale isagu jira.

Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo Afhayeenka Gollaha Shacabka Maxamed Mursal ayaa ku sugan Garoowe, iyagoo qeyb ka ah wafuudda halkaasi gaareyay tan iyo shalay, ee ka tagey magaaladda Muqdisho.

Puntland iyo Galmudug ayaa maalmo kahor shaaciyay inay dhex-dhexaadinayaan Musharixiinta Mucaaradka iyo Farmaajo, si xal loogu helo khilaafka doorashadda, kaasoo horseeday dib u dhac waqtigii la dooran lahaa Xildhibaanada.

Dalka ayaa galay maanta firaaq dastuuri ah, kadib markii uu dhamaadey mudo-xileedkii 4ta sano ee Baarlamaanka, iyadoo aan hadda jirin hay'ad sharci dejin oo leh sharciyad kula xisaabtamayso Xukuumadda Rooble.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.