Wakiilka Itoobiya ee Somaliland oo gaarey Hargeysa

Siciid Maxamed Jibriil, oo kasoo jeeda dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa wakiil looga dhigay inuu ka shaqeeyo danaha dowladda Itoobiya ka leedahay Maamulka Somaliland.

Warar Keydmedia Online

Muuse Biixi ayaa Maanta Xafiiskiisa kusoo dhaweeyay wakiilka cusub ee Dowladda Itoobiya u fadhin doono magaaladda Hargeysa, kaasoo lagu magacaabo Siciid Maxamed Jibriil.

Itoobiya ayaa xafiisyo u shaqeeya sidii qunsuliyad ka furatay mudadii uu dalka burburka ku jiray Puntland iyo Puntland, oo ay ka ilaaliso amnigeeda, si aan loogu soo maleegin qirshqoollo Addis Ababa ka dhan ah.

Somalland ayaa sidoo kale dhankeeda u dirtay Itoobiya Wakiil, kaasoo ay u arkaan inuu safiir sidii dowlad la aqoonsan yahay ugu matela dal shisheeye.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.