WARAR GOOS GOOS AH

WARAR GOOS GOOS AH 7-Baadkaan
Warar Keydmedia Online

3-june 2010 Dagaalo ka dhacay degmooyinka Waqooyi ee Magaalada Muqdisho ayaa  isla markaana u dhaxeeyay ciidamada Dowlada KMG ah oo taageero Milatari oo xoog leh ka helaya kuwa AMISOM iyo ciidamada  Alshabaab waxaana dagaalkaasi uu saameeyay degmooyinka shibis, C/casiis, Kaaraan, Boondheere, iyo yaaqshiid waxaama dagaalka oo bilowday aroortii hore uu soo gaaray ilaa gabal dhicii.

Xooga dagaalka waxaa saameynta ugu weyn ka dhaxlay dadka rayidka ah waxaana ku geeriyooday 25 ruux , cali Muuse Shiikh oo ah madaxa Gaadiidka gurmadka deg deg ah ee ka shaqeeya Muqdisho ayaa u sheegay warfidiyeenka in  ay goobaha dagaalka iyo meela ku fog fog sida suuqa bakaaraha oo kale oo ay madaafiicdo gaareysay ay daad gureeyeen 65 ruux oo dhaawyo kale duwan qaba.

Ifrax oo ka mid ah dadkii ku sugnaa gudaha suuqa Bakaaraha xiliga duqeymaha ay socdeen ayaa u sheegtay warbaahinta KEYD MEDIA in indhaheedu ay qabteen dad ay madaafiicda ku soo dhaceysay suuqa  ay dhibaateysan waxaana ay sheegtay in dadkaasi qaarkood ay madaafiicda laba u kala qeybisay..

Sidoo kale Faarax Cilmi oo ka mid ah dadka ganacsiyada yar yar ku leh gudaha suuqa ayaa isagana u sheegay KEYD MEDIA in howlahooda ganacsi uu maalinkaasi kala dhantaalan ku yimid isla markaana halkii ay quud ka soo doonteen badalkeed ay dhaxleen dhibaato isugu jirta dhimasho iyo dhaawac isagoona qiray in madaafiicda ay ku geeriyoodeen  qaar ka mid dad uu garanayay oo suuqa u soo shaqa tagay subaxaas.

Dhinacyada ay dirirtu dhex martay waxa ay ka kala sheegteen guulo saraakiil u hadashay Ciidamada ayaa shaaca ka qaaday in degmooyinkii leysku diriray ay iyagu gacanta sare ku leeyihiin iyadoona dhanka kale Al-shabaab ay sheegeen in ay qasaaro gaarsiiyeen ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM waxaana uu sheegay afhayeenka Shabaab Cali Dheere in AMISOM ay ka gubeen mid ka mid ah Gaadiidka Dagaal ee ay adeegsadaan.

Laakiin marka si hoose loo eego xaalada ayaa warbixinada deegaanka laga helay waxa ay muujinayaan in labada dhanba dagaalku aanu ka gaarin horumar muuqda oo la taaban karo.

 

4-june 2010  aroortii Jimcaha shacabka tirada yar ee ku nool degmada Hodan waxa ay ku soo kaceen rasaas ay is weedaarsanayaan ciidamo ka amar qaata Culimada Ahlu suna iyo dhaqdhaqaaqa Shabaab  waxaana xooga iska horimaadkaasi uu ka dhacay deegano aan ka fogeyn isgoyska Bakaaraha ilaa Suuqyaraha Siigaale ee Degmada Hodan.

Sida ay ku warameen goob joogayaasha deegaanka iska horimaadkaasi dhex maray labada dhan waxaa ku geeriyooday 6 ruux oo shacab ah iyadoona ku dhawaad taban kale ay ku dhaawacmeen.

Hardanka labada u dhaxeeyay waxa uu saameyn ku yeeshay wadada kaliya ee badanka gaadiidka iyo dadweynaha isaga kala goosha degmooyinka gobalka Banaadir taa oo ah wadad Maka Almukrama waxaana gabi ahaanba is taagay gaadiidkii ka dhaadhici jiray wadadaasi isla markaana tagi jiray suuqa Bakaaraha .

Sabab la xiriirta arinkaasi ayaa gaadiidleyda si ay u gaarsiiyaan dadka suuqa bakaaraha waxa ay adeegsanayeen wadooyin qarda jeex ah oo mara dhabarka danbe ee isbitaalka digfeer kadibna ku soo dhaca warshada caanaha iyadoona gaadiidka qaar ay isticmaalayeen wadada  warshadaha.waxaana sida ay sheegeen shacabka adeegsada wadadaasi maalinkaasi uu sara kac ku yimid qiimaha lagu raaco gaadiidka Dadweynaha iyadoona uu gaaray 9-10-kun oo shilinka Soomaliga ah halka markii hore uu ka ahaa 3-4 kun oo shilin Soomaali ah

Habeenimadii waxaa ka dhacay xaafada Buula-xuubeey oo ka tirsan degmada Wadajir dilka askari ka tirsan ciidamada Dowlada waxaana la sheegay in dilkaasi ay fuliyeen kooxa aan la aqoonsan, askariga la dilay waxa uu ahaa mid deegaanka si weyn looga yaqaanay isla markaana daganaa tan iyo xili fog

5-june 2010   kadib markii gudoonka Barlamanka golaha shacabka ay u fariisteen doorashada gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Barlamanka ayaa barqadii markii codbixinta ay bilaabtay ayaa waxaa magaalada mar qura laga maqlay daryanka hoobiyaal lagu weeraray madasha waxaana xigay jawaab ay tureen Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada.

Hubka ay labada dhan is weedaarsadeen waxaa laga dhaxlay qasaaro soo gaaray dadka rayidka ah kaa oo isugu jiray dhimasho iyo dhaawac waxaana la xaqiijiyay in ku dhawaad 15 ruux ay ku geeriyoodeen duqeymahaasi iyadoona ay ku dhaawacmeen 25 ruux dad ka badan.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada qasaaraha gaaray dadka rayidka ah ee la dhibaateeyay waxaana arinkan uu yahay mid xili walaba oo shirar ay yeelanayaan Dowlada soo noqnoqday waxaana muuqan ilaa iyo hada hanaan lagu daryeelayo shacabka .

Dhanka kale ciidamada ururka Xisbul islaam ayaa deegaanka Ceelasha biyaha waxa ay dil ugu geesteen Hooyo Soomaaliyeed oo halkaasi ku sugneed waxaana falkaasi uu yimid kadib markii ciidamada ay rasaas ku fureen goob rayidku ku badan yahay uu ku taala deegaankaasi.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in askarigii geestay falkaasi gacanta lagu dhigay wallow aan ilaa iyo hada la cadeyn talaabo laga qaaday..

6-june 2010   Duhurnimadii Axada Xaafadda Buula xuubeey oo ka tirsan degmada wadajir ee Gobalka Banaadir ayaa askari hubeysan oo ka tirsan Ciidamada Maamul ahaan hoostaga Dowlada isla markaana ka mid ah ilaalada C/laahi Gaafow oo ah Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha ayaa laba Gabdhood oo ka rawaxay howl waxbarasho isla markaana ku sii jeeday xaafad ka agdhaw guriga uu Gaafow ka daganyahay Muqdisho  ayaa ninkaasi hubeysan waxa uu ku furay rasaas sababtay in gabdhihi uu dhaawac soo gaaro.

Gabdhaha ay dhibaatada ku dhacday oo lagu kala Magacaabo Deeqo Cabdi Shidane iyo Xalow Cali Xalane ayaa labaduba waxa ay rasaasta ka haleeshay qaarka danbe gaar ahaan lugaha waxaana dhawaceeda uu daranyahay Xalwo Cali oo xabada ay jartay halbowle isla markaana dhaqaatiirta isbitaalka Madiina ay go’aamiyeen in lugteedii Midigta aheyd ay weydo, waa Gabar ka baxday Dugsiga sare iminkana wali ku howlaneed waxbarsho balse ayaan daro xilkasnima la’aanta ka jirta dalka awgeed waxa ay seegtay mid ka mid ah xubnaheedi qaaliga ahaa.

Maareeyaha Garoonka Aadan C/lle ee Magaalada muqdisho oo maamul ahaan uu hoostagayay ninka falkaasi geestay ayaa sheegay in iminka ninki gacanta lagu hayo isla markaana talaabo laga qaadi doono wallow shakiyo badan la galinayo hadalkaasi ka soo baxay Mr gaafow .

Ma ahan dhacdadan oo kaliya Gabood falada bulshada loogu geesto gudaha muqdisho ee maalin walba waxaaa ka dhaca dhacdooyin kuwan la mid ah ama ka sii daran kuwaa oo xiliyada qaar ay naftooda ku waayaan dad mustaqbalka wax tari bulshada.

7-june 2010   ciidamo ku labisan Dareeska Dowlada iyo ciidamo kale oo deegaanka ah ayaa tacshiirad isku weedarsaday inta u dhaxeysa xamar jajab iyo waabari kadib markii ciidamada ku labisan dareeska dowlada ay bilaabeen in ay halkaasi shacaka saaraan gaadiidka ay ku baartaan.

Tacshiirada oo baahday markii danbe ayaa dhinacyadaasi waxa ay isla tageen agagaarka isgoyska Ceelgaabta waxaana ku geeriyooday tacshiirada 2 ruux oo midkood uu yahay kooxihii ku labisnaa dareeska iyo qof kale oo rayid ah waxaana uu dhaawac ka soo gaaray seddex qof oo rayid ah sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka qaarkood oo aan la hadalnay.

8-june 2010   inkasta oo dagaalkii 3 June dhex maray ciidamada Dowlada iyo dhaqdhaqaaqa shabaab labada dhanba ay guulo ka kala sheegteen ayaa hadana 5 Maalin kadib dhacdadaasi Radiyaha Muqdisho ee ku hadla codka Dowlada waxa uu tabiyay war sheegaya in dagaalkaasi uu ku dhaawacmay Shikh Muqtaar Roobow Cali Abuumansuur oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee Shabaabka waxaana xusid mudan in Hadalkaasi aanu rajin cadeymo ama beenin rasmi ah oo ilaa iyo hada loo helay.

Sidoo kale isla maaalinkan rasaas ku dhacday dugsi qur’aan ku yaala gudaha Degmada Deyniile ee gobalka Banaadir waxa ay sababtay dhaawac soo gaaray 3 Arday oo ka mid aheyd ardaydii dugsigaasi wax ka baran jirtay

9 June 2010 qarax ciidamo ka tirsan Dowlada KMG ah lagula beegsaday xaafada afisyooni ee degmada xamar jajab waxaana falkaasi ku dhintay 7 ka tirsan askarta iyadoona ay ku dhaawacmeen 2 qof rayid ah.

Wadadaasi oo ka mid ah wadooyinka Maamul ahaan hoostaga  dowlada waxaana la dhihi karaa waa tan ugu badan ee ay ka dhacaan qaraxyada lala bartilmaameedsado ciidamada Dowlada .

10 june 2010  Dagaalo ka dhacay Magaalada ayaa waxa ay sababeen geerida ugu yaraan 5 ruux iyo dhaawaca tira intaa ka badan waxaana dagaaladaasi oo ay wehliyeen duqeymo ay ka dhaceen degmooyinka Hodan, H/wedaag iyo wardhiigleey, dadka ay dhibaatadu gaadhay badankood waxa ay ahaayeen rayid aan waxba galabsan .

ciidamo ku labisan Dareeska Dowlada ayaa suuqa buula xuubeeya meel ku dhaw waxa ay xabad kula dhifteen wiil rayid ah waxaana la sheegay wiilkaasi sababta xabada loogu dhiftay in ay aheyd amar ay siiyeen oo ahaa in aanu wiilkaasi fariisan goob uu fadhiyay marka ay xabada ku dhifanayeen.

 

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.