Wararkii ugu dambeeyay Qaraxii Muqdisho

Qaraxa ayaa ka dhacay wado Mashquul badan oo ku taalla Xaafadda Buula-Xuubey, waxaana kasoo baxaya fahfaahin dheeraad ah khasaaraha.

Warar Keydmedia Online
Wararkii ugu dambeeyay Qaraxii Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar dheeraad ah iyo fahfaahin ayaa kasoo baxaysa qaraxa miino oo barqadii Maanta ka dhacay magaaladda Muqdisho, gaar ahaan Xaafadda Buula-Xuubey.

Qaraxa saakay wuxuu ahaa miino nooca remote-ka laga hago, kaasoo lala eegtay askar katirsan Minashiibiyadda oo ku howlanaa qaadista Canshuurta bil walba laga qaado Bajaajleyda.

Inta la xaqiijiyay 3 askari ayaa dhaawac kasoo gaarey qaraxa, kuwaasoo loola cararay Isbitaalka, sida ay Keydmedia u sheegeen dad goobjoog u ahaa dhacdada.

Weerarka wuxuu ka dhacay Ceel-Qalow, nawaaxiga Somali airline, iyadoo aan jirin illaa hadda jirin cid sheegatay mas'uuliyadda, laakiin booliska wuxuu ku eedeeyay Kooxda Al-Shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.