Wararkii ugu dambeeyay Shirka Dhuusamareeb

Shirka Dhuusamareeb ayaa yimid kadib markii uu fashilmay kulan uu madaxweyne Farmaajo ku baaqay 5-tii bishaan in la isagu yimaado magaaladda Muqdisho.

Warar Keydmedia Online

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Madaxweynayaasha maamulada dalka ayaa xalay kulamo gaar gaar ah ku yeeshay Madaxtooyada Galmudug, kuwaasoo looga hadlayay arrimo badan oo ay ka mid yihiin amniga iyo doorashooyinka.

Kulamada gaar gaarka ah ayaa intooda badan xoogga lagu saaray sida looga gudbi lahaa ismari-waaga siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda Soomaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah oo aan xiriir fiican ka dhaxeyn tan iyo doorashadii mamulka Farmaajo.

Madaxda maamulada ayaa sidoo kale ka hadlay doorashada 2020-2021 oo ay dowladda sheegtay in ay noqoneyso qaab qof iyo cod ah, iyagoo dhawaan soo saari doono mowqifkooda ku aadan.

Inkastoo aan faah-faahin rasmiga ah laga heynin kulamadii ay yeesheen madaxda maamul goboleedyada ayaa hadana ilo wareedyo ku sugan Dhuusamreeb xaqiijinayaan in xalay waxyaabihii kualamada looga hadlay ay ka mid ahaayeen matelaaladda gobolka Banaadir.

Dhinaca kale, shirkada wada tashiga dowlad goboleedyada ayaa galay maalintiisa labaad, waxaana ka qeyb geliya madaxda maamulada Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Jubbaland, iyo Galmudug oo marti-gelineyso, iyadoona la filayo in war murtiyeed laga saaro.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.