Wararkii ugu dambeeyay weerarka Kismaayo [Xog iyo Fahfaahin]

Illaa hadda shan qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen weerarka, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro badan, oo arday ay kamid yihiin. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka.

Warar Keydmedia Online
Wararkii ugu dambeeyay weerarka Kismaayo [Xog iyo Fahfaahin]

KISMAAYO, Soomaaliya - Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegaya weerar khasaara dhaliyay lagu qaaday Tawakal hotel.

Weerarka ayaa ku bilaawday qarax ka dhacay afaafka hore ee hotel-ka, waxaana xigay rag hubeysan oo gudaha u galey dhismaha. Qaraxa koowaad ayaa la maqlay abaaro 12:15PM duhurka kadib, waqtiga maxaliga ah.

Gaashaanle Warsame Axmed Geelle, Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska ee Jubbaland, ayaa xaqiijiyay in saddex nin oo hubeysan ay gudaha ka dagaalamayaan, islamarkaana ay haystaan dadkii gudaha ku jiray, oo la-haystiyaal ka dhigteen.

Argagixisadu waxay weerareen hoteelka Tawakal; Qaarkood hadda waa la dilay, waxaa weli haray hal nin. Waanu dhamayn doonnaa,” ayuu yiri. “Kuwani waa cadow, waa argagixiso, waxayna dhibaato ka wadaan Soomaaliya oo dhan. Gudaha hotel-ka waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya Ciidamada ammaanka iyo kuwa argagaxisada ah”.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in rasaas joogta ah ay isweydaarsanayeen kooxda weerarka soo qaaday iyo Ciidamada amaanka Jubbaland, oo isku dayaya inay xaaladda gacantooda kusoo celiyaan.

Gaadiidka Gurmadka deg dega ah ee Ambalaasta ayaa sidoo kale la arkayay, iyagoo u sii socda dhanka Wadada Dekadda Kismaayo, halkaasoo uu ku yaallo Hotel-ka.

Farxaan Cabdi Afdhuub oo kamid ah siyaasiyiinta degaanka ayaa kamid ah dadka laga soo badbaadiyay hotel-ka, waxaana jira dad badan oo wali ku jira, oo dhimasho iyo nolol lagu heynin.

Illaa hadda shan qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen weerarka, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro badan, oo arday ay kamid yihiin. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka.

July 2019, Al-Shabaab ayaa weerar noocan ah ku qaadey Cas-Caseey hotel, kaasoo lagu dilay 26 qof oo ay kamid ahayd Nodon Nalayeh, oo ahayd Gabar Wariye ah Soomaali ah, oo ka timid Canada iyo Ninkii qabey, oo Wasiir Jubaland soo noqdey.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.