Warbixin: R/wasaarahe Saciid muxuu Maantay Kismaayo kala kulmay!?

Kismaayo (KON) - Ra’iisul Wasaaraha dawladda Federaalka Soomaaliya oo Maalinimadii Shalay isaga iyo wafddi uu Hoggaaminayo gaaray Magaalada Kismaayo ayaa waxaa haatan Kulamo saxaafaddu dibad joog ka tahay kula leeyahay Hotelka tawakal ee Kismaayo xubno ka socda Maamulka KMG ee Degmada Kismaayo.
Warar Keydmedia Online

Kulankan oo sida ilo ku dhow dhow ay ku soo waramayaan waxa uu yahay mid  Xasaasi ah isla markaan Aragtiyo kala duwan ay kala wataan iyadoo Ra’iisul wasaaraha Xubnihii Maamulka ee uu la kulmay u sheegay in dawladda loo madax baneeyo in ay soo dhisto Maamul ku meel gaar ha muddo kaddibna la soo dhiso Maamul loo dhan yahay oo ay ka wada qayb galayaan Dhamaanba beelaha kala duwan ee Goboladaas.

Cuqaasha iyo Waxgaradka Deegaanka Kismaayo u dhashay ayaa waxay uga digeen in la sameeyo Maamil Jacjuub ku yimid oo Dadka Deegaanku aysan raali ka aheyn.

Si kastaba magaalada ayaa haatan waxaa ka jira jawi degganaansha ah iyadoo Ciidamada ammaankuna ay aad u sugayaan guud ahaan ammaanka Magaalada Kismaayo.

Keydmedia Online kala soco Wararka Kulanka R/wasaaraha iyo Maamulka KMG ee Kismaayo!

Keydmedia Online - Xafiiska Kismaayo

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.