Warbixin: Dilka Dr. Cismaan C/raxman Fiqi, Yaa ka dambeeyay?

Muqdisho (KON) - Madaxda Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay inaysan ka dambeyn Dilkii Dr. Cismaan C/raxman Fiqi, waxayna si adag u beeniyeen Warar la isla dhex marayay oo sheegayay in Al-Shabaab ay dileen Dr. Cismaan.
Warar Keydmedia Online

Ururka Al-Shabaab ayaa dilka Dr. Cismaan dusha uga tuuray Dowladda Soomaaliya, waxayna intaas raaciyeen inay ka xun yihiin dilka Dr. Cismaan. Ma aha arin horay looga bartay Al-Shabaab inay beeniyaan eedaymo loosoo jeediyay, haday rabaan yaysanba ka dambeyn eedaytaase.

Talaabada Al-Shabaab ayaa dadka u kuurgala Siyaasada Soomaaliya ay ku tilmaameen mid macquul ah, sababtoo ah Isbitaalka Fiqi ee ku yaala dagaanka Ceelasha Biyaha oo uu madaxda ka yahay Aabaha Dr. Cismaan Dr. C/raxman Fiqi ayaa Waligiis ka nabad qabay falalka Al-Shabaab. Xiligii ay degaanka Ceelasha ka talin jireen Al-Shabaab ilaa waqtiga hada la joogo ma dhicin wax dhibaato ah oo ka dhex dhacay Al-Shabaab iyo reer Fiqi.

Tuhunka Dr. Cismaan ayaa loo tiirinayaa kooxo danley ah oo u arkay Dr. Cismaan inuu uga dheereeyay Suuqyada Tartanka caafimaadka Muqdisho.

Dr. Cismaan ayaa la filayay inuu Agaasime ka noqdo Isbitaalka Cusub ee Digfeer ee dhawaan la furi doono, taasoo ka caraysiisay kooxo badan oo xusul duub ugu jira sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen Isbitaalkaas.

Dhanka kale Dr. Cismaan oo kasoo guuray Wadanka Maraykanka wuxu Muqdisho ka furay shirkad daawooyin tayo leh kaanta dalka, wuxuna shirko ku yahay Farmashiyaha ugu casrisan Muqdisho oo aan la ogoleyn in lagu gado daawooyinka tayadoodu hoosayso ee shirkadaha suuqa Daawadu ay Muqdisho ku qarqiyeen waayihii dambe.

Si kasta ha ahaatee wali kama dhicin Muqdisho in la xaliyo dhacdooyinka noocaan oo kale ah, lana soo qabto Qof dilay Aqoonyahay, oday, takhtar, siyaasi ama Qof kale oo caadi ah, waxayna u badan tahay in sidaas lagu hilmaamo ficilkaan sidii ficiladii ka horeeyay, walibana ay qandaraasyada Caafimaadka qaataan dadkii ka dambeeyay dilka Dr. Cismaan, ma la dhihi karaa Amniga Caasimada Gacantuu ka baxay?

Keydmedia Online - Editorial Desk / Wadanka

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.