Wariye Axmed Cabdinuur oo ku geeriyoodey London

Suxufi aqoon iyo xirfad sare u leh Saxaafadda ayuu ahaa, isagoo kasoo shaqeeyay BBC Somali tan iyo 1996.

Warar Keydmedia Online
Wariye Axmed Cabdinuur oo ku geeriyoodey London

LONDON, Soomaaliya - Waxaa Maanta magaaladda London, ee Caasimadda Ingiriiska ku geeriyoodey Axmed Cabdinuur, oo usoo shaqeeyay mudadii ugu dambeysay noloshiisa Idaacadda BBC-da, laanta Afka Soomaaliga.

Sida ay xaqiijiyeen xubnaha qoyskiisa, AUN Axmed Cabdinuur ayaa u dhintay xanuunka COVID-19 isagoo 66 jir ah. Wuxuu BBC ku biiray 1996, oo dadkii uu lasoo shaqeeyay aqoon badan ka korarsadeen, isagoo u ahaa marjica Afka Soomaaliga.

Bahda Warbaahinta Soomaaliyeed ayaa aad uga naxay geerida Axmed Cabdinuur, oo qof walba taabatay, wuxuuna ka tagey xasuus lama illoobaan ah oo keyd BBC-da gashay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.