Wariye Maalintii 4aad NISA u afduuban

Waxay suxufiyiinta Muqdisho sameeyeen shalay dibadbax ay ku dalbanayaan in lagu soo daayo C/llaahi Kulmiye, maadaama uusan gelin dembi, islamarkaana maxkamad soo eedeynin.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Wariye C/llaahi Kulmiye Caddow ayaa maalintii 4aad u afduuban NISA, isagoo ku xiran xabsi qarsoodi ah oo Muqdisho ku yaalla, sida ay sheegeen ururada u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda saxaafadda.

Wariye ayaa loo xiray inuu wareysi ka qaadey ganacade Abuukar Cadaan, oo sheegay inuu taageersan yahay fekerka Al-Shabaab, islamarkaana ku faraxsan yahay weerarada lagu qaadayo AMISOM. Warar ayaa sheegay inay NISA sii daysay Ganacsadaha oo hal maalin xirnaa.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.