Wariye wareystay hogaamiye Al-Shabaab oo lagu xiray Muqdisho

Wareysi uu la yeeshay Mahad Karataay, madaxa Amniyaatka Al-Shabaab ayaa laga sii daayay Channel 4 TV bishii June ee sanadkan.

Warar Keydmedia Online
Wariye wareystay hogaamiye Al-Shabaab oo lagu xiray Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Wariye Jamal Osman, oo u shaqeeya Channel 4 TV ayaa Maanta laga musaafuriyay Muqdisho, kadib Saacado uu ku xirnaa Saldhigga NISA ee Garoonka Aadan Cadde.

Waxuu rabey inuu howlo shaqo ka qabta Soomaaliya, balse waxaa markii uu kasoo degay Garoonka horey ka qabtay NISA, oo saacado kadibna ku amray inuu dalka ka baxo, sida Illo Xog-Ogaal ah u sheegeen KON.

Jamal Osman ayaa ku caanbaxay Wareysiga hogaamiyeyaasha Al-Shabaab, waxaana inta badan uu tagaa goobaha ay Kooxda maamusho, oo aanan ku dheeran katrin wariye kale ama Maxali ha ahaado ama mid caalami ah.

Wareysi gaar ah oo duleedka Jilib uu la yeeshay Mahad Karataay, madaxa Amniyaatka iyo ninka 2aad ee ugu awoodda badan Al-Shabaab ayaa laga sii daayay Channel 4 TV bishii June ee sanadkan.

Wuxuu aad u dhaliili jiray Farmaajo, oo baraha bulshadda ka cayn jiray, iyadoo xiligaas ay NISA aad u raadin jirtay inay qabato haddi Muqdisho uu yimaado, waxaana la qabtay ugu dambeyn xili dalka Xasan Sheekh Madaxweyne ka yahay.

Jamal Osman ayaa markii uu lasoo kulmay Mahad Karataay kadib wareysi uu bixiyay ku sheegay inay Al-Shabaab tahay Koox si dadban dalka u maamusha, islamarkaana awood u leh inay qabsato Soomaaliya oo dhan ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.