Wariyihii wareystay Ganacsade Abuukar Cumar Caddaan oo isna la xiray

Xalay saqdii dhaxe waxaa isna lasoo xiray wariyihii wareysiga ka qaaday Ganacsade Abuukar Cumar Caddaan oo gurigiisa inta loo dhacay lala baxay.

Warar Keydmedia Online
Wariyihii wareystay Ganacsade Abuukar Cumar Caddaan oo isna la xiray

MUQDISHO - Soomaaliya - Wariye Cabdullaahi Kulmiye Caddow oo kamida shaqaalaha idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa xalay saqdii dhexe Ciidamada Nabad Sugidda ee NISA waxay gurigiisa inta ay u dhaceen soo xiray wariyaha oo laba maalin kahor wareysi ka qaaday Ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Caddaan.

Ganacsadaha ayaa habeen hore lasoo xiray sidaas oo kale markii gurigiisa loogu dhacay habeen madow, waxaana ciidamada NISA ay falkan guryaha loogu galaayo muwaadiniinta ay billaabeen tan iyo intii uu madaxweynaha haatan jooga uu xilka la wareegay, inkastoo labda qofba lasoo xiray haddana falkan guryaha la isugu soo dhacaayo habeenkii ayaa ah mid argagax ku abuuraya dadka ku dhaqan deegaanka laga soo xiray wariyaha iyo ganacsadaha.

Wariye Cabdullaahi Kulmiye Caddow oo lasoo xiray waxaa lala xiriirinayaa kiiskiisa inuu ku qotomo wareysigii dhiirri galinta siinayay kooxda Al-Shabaab ee uu aadka u taageeray ganacsade Abuukar Cumar Caddaan, inkastoo wariyuhu uusan u wareysan in la buun buuniyo fikirka xag-jirka ah ee Al-Shabaabnimada haddana wuxuu wareystay ganacsade ka dharagsan fikirkaas xag-jiriinta.

Arintaan ayaa loo arkaa xadgudub loo geysanayo xoriyatul qowlka, loo geysanaya xoriyadda shacabka, loo geysanayo dastuurka, lagu caburinayo xuquuqda bini'aadamka. Arinta muhimka ah oo wariyahaan loo xiray ayaa la aaminsayahay in ay tahay in la 'uleeyo' Radio Kulmiye, la handado halka idaacad oo Soomaali oo dhan ay wad dhageysato oo ka cod dheer Radio Muqdisho, dadkuna ay jecelyihiin, aadna ugu xiranyihiin.

"Anakoo ah Keydmedia Online waxaan garab istaaganahay Wariye Cabdullaahi Kulmiye Caddow iyo Idaacadda Kulmiye", sidaas waxaa yiri Agaasimaha guud ee Keydmedia Online. 

Dhamaadkii bishii September, Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xabsiga dhigay ganacsato caan ah oo ku sugan magaalada Muqdisho, kadib markii lagu eedeeyey iney xiriir la sameeyeen Al-shabaab.

Ciidamo si gaar ah u tababaran ayaa xabsiga dhigay ganacsato dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen Maxamuud Cumar Cadaan oo ah Walaalka Xaaji Abuukar iyo sidoo kale Cadceed Xaashi, kuwaasi oo si aad ah looga garanayo magaalada Mudisho.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.