Wasiir Fiqi oo mar kale werar ku qaaday MW Qoorqoor

Wasiir Axmed M Fiqi, oo dhawaan shir jaraa’id qabtay, ayaa mar kale, weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor.

Warar Keydmedia Online
Wasiir Fiqi oo mar kale werar ku qaaday MW Qoorqoor

Dhuusamareeb, Soomaaliya - Wasiirkii Amniga Galmudug, Axmed Macallin Fiqi, oo 7 October 2021, ku dhawaqay inuu iska casilay xilkii uu hayay, kadib markii isaga iyo Madaxweynaha Dowlada goboleedka Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) isku fahmi waayeen habka loo wajahayo koox diimeedka Ahlu-sunna, ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay Dhuusamareeb.

Axmed Macallin Fiqi, wuxuu mar kale, weerar ku qaaday Qoorqoor, wuxuuna ku eedeeyay inuu jidka wada-hadalka ka doortay dagaal iyo dhiigga reer Galmudug oo la daadiyo, isla-markaana uu midiyaha u afeystay weerar ka dhan ah Guriceel.

Fiqi, wuxuu tilmamay in Qoorqoor, ku daaban yahay Madaxtooyada Soomaaliya, oo inta badan shaqadiisu ay Muqdisho ahayd sanadkii la soo dhaafay, wuxuuna ku eedeeyay in uusan u socon dagaal ka dhan kooxda xiriirka la leh ee Al-qaacida ee Al-Shabaab.

Sido kale, wuxuu si maldahan u sheegay in ciidamada la geeyay Dhuusamareeb, ay soo direen Fahad iyo Farmaajo, oo u jeedkoodu yahay in ay dagaallo lugu riiqmo ka dhacan degaanka si doorashadu dib ugu dhacdo.

Wuxuu taliyayaasha Ciidamada la geeyay Dhuusamareeb, oo uu ugu horreeyo Farxaan Qaroole, Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, ugu baaqay in ay ka fogaadaan dagaallada sokeeye, ee Qoorqoor, Farmaajo iyo Fahad, doonayaan in ay ka ridaan Galgaduud.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi, wuxuu si aan ka gambasho lahayn u sheegay in tallaabooyinka Qoorqoor muujinayaan inuu xiriir kala dhaxeeyo Al-Shabaab, isaga oo tusaale, u soo qaatay, in Madaxweynaha Galmudug uu indha ka dadanayo la dagallanka Al-Shabaab, duullanna ku yahay degaan nabad ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.