Wasiir Fowsiya oo sheegtay inay sii kordhayaan Kiisaska Covid-19

Dad gaaraya 4 qof ayaa mudo 24 saac gudahooda ugu geeriyoodey gudaha Soomaaliya, oo xanuunka uu kusoo laba kacleeyay.

Warar Keydmedia Online
Wasiir Fowsiya oo sheegtay inay sii kordhayaan Kiisaska Covid-19

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abikar ayaa sheegtay inay sii kordhayaan kiisaska Covid-19 kadib markii uu soo laba-kacleeyay xanuunka.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Fowsiya ayaa lagu sheegay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay afar qof ugu geeriyoodeen Muqdisho [3] iyo Puntland [1], iyadoo laga helay Virus-ka 64 qof.

Meelaha laga helay:

1 - Banadir: 35
2 - Puntland: 23
3 - Somaliland: 3
4 - Galmudug: 3

Wadarta Guud ee dadka uu cudurka ku dilay Soomaaliya tan iyo 2020 waxay gaartay 832, iyadoo ay ku bogsadeen 7,661. Tiradan waa inta diiwaangelinta lagu sameeyay, waxaa jira dad badan oo Wasaaradda ka warqabin oo guryahooda ugu dhintay caabuqa.

Ma jirto tallaabooyin ay dowladda qaadey si looga hortaga faafista Cudurka, iyadoo dadka ay diideen qaadashadda Talaalka Covid-19, taasoo ay u sababtay wacyigelin la'aanta.

Dadweynaha si caadi ah ayay u nool yihiin, lama xirto Facemask, mana lakala fogaado marka meel la isagu yimaado, waxayna arintan kordhisay kiisaska la diiwaangeliyo maalin walba.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.