Wasiir ka been sheegay amniga Soomaaliya

Wasiirka Amniga Xasan Xundubeey Jimcaale, oo aan aqoon iyo khibrad u lahayn Xafiiska loo magacaabey ayaa sheegay in Ciidanka ay burburiyeen goobihii Al-Shabaab weerarada kasoo abaabuli jirtay.

Warar Keydmedia Online
Wasiir ka been sheegay amniga Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Cusub ee Amniga DF Xasan Xundubeey Jimcaale ayaa been cad banaanka lasoo istaagey, oo shacabka ku marin habaabinayo warar borobogaando ah oo Villa Somalia looga soo dhiibay.

Wuxuu sheegay inay Ciidamada kahor tageen qaraxyada, islamarkaana ay burburiyeen goobo uu sheegay inay Al-Shabaab kasoo abaabuli jirtay weerarada argagaxiso ee ka dhaca Muqdisho.

Si uu isaga leexiyo diiradda shacabka ee fashilka dhanka amniga, ayuu sheegay in laga hortagay maalmihii lasoo dhaafay qaraxyo dhowr ah oo Al-Shabaab doonaysay inay ka fuliso Caasimadda dalka.

Waxaa ka dhacay Muqdisho todobaadkii tagey ku dhawaad 5 qarax, oo ugu dambeeyay midkii lala eegtay maalin kahor Taliyaha Asluubta Jen Mahad C/raxmaan oo ay 5 qof ku dhimatay [Halkan ka akhri], iyadoo uu ka horeeyay mid kale oo habeen kasii horeeyay lala eegtay Afhayeenka Booliska [Halkan ka akhri].

Hadalka Wasiirka, ayaa waxaa la yeebay shacabka Muqdisho oo marqaati u ah weerarada dhacaya, dilalka qorsheysan iyo sida amniga usii xumaanayo, oo Mas'uuliyiinta dowladda xitaa aan wadooyinka mari karin cabsi darteed.

Wasiirka Amniga Xasan Xundubeey Jimcaale, oo aan aqoon iyo khibrad u lahayn Xafiiska loo magacaabey oo qaab beeleed ku yimid, ayaa u adeegga Farmaajo iyo Fahad Faasiin oo u yahay shaqsi u adeegsadaan beesha uu ka dhashay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.