Wasiir katirsan dowladda Ingiriiska oo booqday Baydhabo

Sida lagu sheegay bayaanka, $ 4.9 milyan ayaa loo qoondeyn doonaa dhibbanayaasha daadadka halka $ 6.7 milyan cunto loogu iibin doono dadka barakacayaasha ah.

Warar Keydmedia Online
Wasiir katirsan dowladda Ingiriiska oo booqday Baydhabo

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday $ 29 milyan oo dollar oo lagu taageerayo kumanaan Soomaali ah oo wajahaya gaajo iyo macluul ka dhashay dagaaladda iyo musiibooyinka dabiiciga, sida fatahaadaha.

Wasiirka UK u qaabilsan Afrika James Duddridge ayaa ku dhawaaqay taageeradda cusub labadii maalmood ee uu booqashada ku joogay Soomaaliya oo shalay soo idlaatay, isagoo tagey Muqdisho iyo Baydhabo.

War qoraal ah oo ka soo baxay Safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in Duddridge uu wadahadal la yeeshay madaxweyne Farmaajo iyo Rooble, isagoo sidoo kale booqday Ciidamada Ingiriiska ay ku tababaraan kuwa dowladda ee ku yaalla Baydhabo.

Sida lagu sheegay bayaanka, $ 4.9 milyan ayaa loo qoondeyn doonaa dhibbanayaasha daadadka halka $ 6.7 milyan cunto loogu iibin doono dadka barakacayaasha ah.

$ 10.3 milyan oo dheeri ah ayaa loo qoondeyn doonaa qeybta Caafimaadka, gaar ahaan hooyada iyo dhalaanka, oo tababbar lagu siinayo umulisooyinka.

Boqortooyada Ingiriiska waxay sidoo kale ugu deeqaysaa $ 2.15 milyan si looga hortago qatarta qaraxyada wadada dhinaceeda lagu aaso ee lala eegto Ciidanka iyo dadka shacabka ah.

Duddridge wuxuu sheegay in dalkiisa ay ka go’an tahay xaqiijinta Soomaaliya oo nabad ah iyo kobcinta nolol waarta, taasoo qeyb ka qaadanaysa xasiloonida gobolka Geeska Afrika.

Ingiriiska ayaa kamid ah dalalka aadka u taageera Soomaaliya oo dhowr jeer shirar ugu qabtay London, islamarkaana Safiir toos ah iyo safaaradda shaqeysa ku leh Muqdisho, iyadoo dhinac amniga iyo la dagaalanka Al-Shabaab gacan ka geysanayo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.