Wasiiradda Qoor-Qoor oo billaabey inay is-casilaan

Xilkan waxaa dhawaan iska-casiley Axmed Maclin Fiqi, oo dagaalkii Koonfurta Mudug qeyb weyn ka qaatey, islamarkaana shaqo badan ka qabtay la dagaalanka Al-Shabaab.

Warar Keydmedia Online
Wasiiradda Qoor-Qoor oo billaabey inay is-casilaan

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Wasiirkii Axmed Maamulka Galmudug C/naasir Geelle Cilmi, ayaa Maanta ku dhawaaqey inuu xilka iska-casilay, isagoo aan sheegin sababta go'aankiisa.

Qoraal uu Facebook soo geliyay ayuu ku shaaciyay shaqo ka tagista, oo imaanaysa xili Qoor-Qoor eex iyo sed-bursi ku sameynayo Beelaha qaar ee Galmudug, oo kuraastooda boobayo.

Wasaaraddan waxaa October 2021 iska-casiley Axmed Maclin Fiqi, oo dagaalkii Koonfurta Mudug qeyb weyn ka qaatey, islamarkaana shaqo badan ka qabtay la dagaalanka Al-Shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.