Wasiirka Amniga: Madeira dalka masoo gali karo

Waxaa sidoo kale Wasiirka uu sheegay in wixii ka dambeeya 10-ka bishan April, uu si KMG ah u xiran yahay terminal-ka MovCon, ee Garoonka kaasoo ay isticmaalaan Ajaaniibta degan Xalane.

Warar Keydmedia Online
Wasiirka Amniga: Madeira dalka masoo gali karo

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Amniga aan awoodda lahayn C/llaahi Maxamed Nuur ayaa soo saarey amar dalka looga hor-istaagayo inuu soo galo Danjiraha AU-da Francisco Madeira.

Hay'adda Socdaalka ayuu ku amaray inay dib ugala noqoto Madeira warqadaha dalka ku galka, kadib markii RW Rooble oo Khamiistii soo saarey qoraal uu ku tilmaamay nin aan wadanka laga rabin.

Amarka Wasiirka ayaa soo baxay waxyar kadib markii Midowga Afrika soo kahor yimid warqadda Rooble iyo amarkiisa uu dalka uga cayriyay Madeira, oo ku kacay arrimo ka baxsan shaqadiisa.

Cod sir ah oo laga duubey Madeira ayuu ku aflagaadeeyay madaxda dalka, iyo Mucaaradka, isagoo hoos u dhigay dilkii Amina Maxamed Cabdi, oo ku tilmaamay wax iska caadi ah.

MW hore Farmaajo ayaa la sheegay inuu taageero wayn ka haysto Abiy Axmed, oo Addis Ababa u fadhiya, kaasoo la sheegay inuu Gudoomiyaha Midowga Afrika ku cadaadiyay inuu kasoo horjeesto amarka Rooble ee cayrinta Madeira.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.