Wasiir Fiqi oo is casilay markii Qoor-Qoor jidka dagaalka doortay

Waxuu sheegay in Galmudug lagu soo daabulay Ciidamo laga keenay Muqdisho, oo aan Galmudug ka amar qaadan kuwaasoo loo diyaariyay inay duulaan ku qaadaan Ahlu Sunna.

Warar Keydmedia Online
Wasiir Fiqi oo is casilay markii Qoor-Qoor jidka dagaalka doortay

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Wasiirkii Amniga Galmudug Axmed Maclin Fiqi ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka kadib markii ay isag aiyo Qoor-Qoor isku khilaafeen qaabka loo wajahayo arinta Ahlu Sunna.

Qoraal oo bartiisa Facebook soo dhigay ayuu ku sheegay Fiqi in go'aankan uu qaatay kadib markii Qoor-Qoor uu ka diiday in wadahadal lagu dhameeyo tabashadda Ururka Ahlu Sunna.

"Maantay waxaan madaxweynaha Galmudug u gudbiyey iska casilaadaydii xilka wasiirka amniga Galmudug, ka dib markii aan isla fahmi weynay qaabka loo wajahayo khilaafka isaga iyo Ahlu Sunna u dhexeeya, ee uu  asagu doortay wadada dagaalka iyo colaad Galmudug ku reebaysa mahadhooyin danbe," ayuu yiri Wasiirka.

Wuxuu intaasi ku daray in Qoor-Qoor uu doonayo dagaal, isagoo adeegsanaya ciidamo Muqdisho laga soo daadgureeyey kuwaasoo wax talo ah mas’uuliyiinta Galmudug ama wasaaradda amniga ee isaga uu madaxda u ahaa aysan ku lahayn, oo amarka ka qaatay Villa Somalia.

"Aniga waxaan u soo jeediyey wadada wadahadalka iyo dagaal la’aantu in ay ka sahlan tahay, ka dhib yar tahay, kana guul badan tahay middaas iyo sidoo kale in argagixisada Shabaab la dagaalankooda aan xoogga saarno una jihayno gulufka socda dhankooda," ayuu hadalkiisa raaciyay.

Keydmedia ayaa saakay soo qortay in Siyaasiyiinta Galmudug ay si weyn ugu kala qeybsameen sida loola macaamilayo Ahlu Sunna, oo hadda dhul ballaaran ka qabsatay Maamulka Qoor-Qoor, kuna wajahan magaaladda Dhuusamareeb, oo haddii gacantooda ay gasho meeshaas ku dhamaanayso Galmudug. [Halkan ka akhri warbixinta].

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.