Wasiirka gaashaandhigga oo saxiixay siyaasadda xuquuqda aadanaha

Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda xil gaarsiinta Soomaaliya ayaa saxiixay siyaasadda xuquuqda aadanaha ee wasaaradda.

Warar Keydmedia Online
Wasiirka gaashaandhigga oo saxiixay siyaasadda xuquuqda aadanaha

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumaddda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa saxiixay laba siyaasadood oo kala ah:

  1. Siyaasadda Xaquuqda Aadanaha ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo
  2. Siyaasadda tababarrada ee Wasaaradda Gaashaandhigga.

Siyaasadahaan ayaa ah kuwa muhiim u ah howl maalmeedka baaxadda leh ee Wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay baahida ay Wasaaradda u qabto dhaqan-gal ka iyo dardargelinta labada Siyaasadood ee uu maanta qalinka ku duugay.

Sidoo kale siyaasadda tababarradda ayuu ku tilmaamay in udub -dhexaad u noqon doonto hagidda tababarada iyo jiheynta sare-u-qaadidda aqoonta howl-wadeennada Wasaaradda iyo saraakiisha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.