Wasiirka Maaliyadda oo sheegay in qasnadda DF faaruq tahay

Bayle ayaa wuxuu shan sano sheegayay in dakhliga dowladdu kordhay, isgoo xilliyo kala duwan lagu eedeeyay inuu ku tagri falayay, xoolaha dad weynaha, wuxuu in muddo ah hor taagnaa lacagta ay xaqa u leeyihiin maamullada, taasoo meelo qaldan ku baxday.

Warar Keydmedia Online
Wasiirka Maaliyadda oo sheegay in qasnadda DF faaruq tahay

MQDISHO, Soomaaliya -  Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay hadal ay baraha bulshada ku faafiyeen Kooxda Farmaajo u qaabilsan faafinta dacaayadda.

Wasiirku wuxuu shaqsiyaadkaas ku eedeeyay in ay faafiyeen dacaayad dano siyaasadeed laga leeyahy oo ah in taliskii hore uu qasanadda Dolwadda uga tagtay lacag dabooli karta miisaaniyadda lixda bilood ee soo aaddan, taasoo uu ku tilmaamay wax kama jiraan.

Wasiir Cabdiraxmaan Bayle, wuxuu sheegay in aysan qasnadda Dolwadda ku jirin lacag ka badan mushaarka bishaan Juun, wuxuuna xusay in kaliya waxa uu habo ay yihiin in 25-ka bishaan la bixin doono mushaarka ciidanka iyo shaqaalaha Dowladda.

“Qasnadaheenna buuxa anigu ma oran, mana buuxaan, ciiddii tiraahdana waa masuuliyad darro, xaqiiqdu waa sidaas,  waa in aad ogaataan dhakhliga aan heysanno naguma filna, bishaan 25-keeda mushaarka waa bixin karnaa” ayuu yiri Bayle.

Wuxuu intaas ku daray in mushaarka shanta bil ee soo aaddan uusan hadda gacan ugu jirin Dowladda, hayeeshee ay jiraan qorshayaal la doonayo in lagu daboolo mushaar bixinta, kuwaas oo haddii aan la hir galin aan la heli doonin qarashaad la bixiyo.

Bayle ayaa wuxuu shan sano sheegayay in dakhliga dowladdu kordhay, isgoo xilliyo kala duwan lagu eedeeyay inuu ku tagri falayay, xoolaha dad weynaha, wuxuu in muddo ah hor taagnaa lacagta ay xaqa u leeyihiin maamullada, taasoo meelo qaldan ku baxday.

Wasiirka Maaliyadda wuxuu bartamihii sanadkii hore xilliyo kala duwan goobo fagaaro ah ka sheegay in waddamada deeqaha bixiya ay goosteen lacagtii ay ku taageeri jireen DF, sababo la xariiray xiisadihii taagnaa, taasoo keentay xaalad dhaqaale xumo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.