Wasiir katirsan Xukuumadda xil-gaarsiinta oo gaarey Ciraaq

Wasiirka Wasaaradda xukuumadda xil gaarsiinta ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Baqdaad ee waddanka Ciraaq

Warar Keydmedia Online
Wasiir katirsan Xukuumadda xil-gaarsiinta oo gaarey Ciraaq

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS Mudane Xasan Cabdinuur Cabdi ayaa wafdi uu hoggaaminayo waxay gaareen Caasimadda dalka Ciraaq ee Bagdaad, waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay dhigiisa Wasiirka Wasaaradda Biyaha dalka Ciraaq Eng. Mahdi Rashid Al-Hamdani.

Wafdiga Wasiirka ayaa ka helay martiqaad rasmi ah Wasiirka Wasaaradda Biyaha Ciraaq si uu uga qeyb galo shirkii 1-aad ee Biyaha Caalamiga ah ee Baghdad.

Xiriirka labada waddan ee Soomaaliya iyo Ciraaq ayaa ah mid wanaagsan, waxaana jira iskaashi dhinacyo fara badan oo ay horay ukala saxiixdeen madaxda labada dal, balse ma jiro iskaashi dhaw oo dhex maray labada dhinac muddooyinkii u dambeeyay, taasoo dadka qaar ay ku tilmaameen gaabis ku yimid dhinaca xiriirka caalamiga ah ee dowladda waqtigeedu dhammaaday ee talada dalka Soomaaliya haysa.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.