Wasiirkii hore ee Bani’aadanimada oo eedeeyay Hey’adaha samafalka

Muqdisho(keydmedia) Max’ud Cabdi Ibraahim (Garweyne) oo hore u ahaa wasiirkii Bani’aadanimada dowladda KMG ah iminkana ku magacaabay wasiirka ganacsiga iyo Warshadaha ayaa ku eedeeyay hey’adaha samafalka wax qabad la’aan.
Warar Keydmedia Online

“ Hey’adaha sheega in ay wax taakuleeyaan lagama helo wax haboon oo deeqa dadka dhibaateysan, taasina waxa ay muujneysaa sida aanay hey’adaha raali uga aheyn wax u qabashada shacabka Soomaaliyeed, sidaa darteed shacabka Soomaaliyeed waxaan u sheegaynaa in ay is taakuleeyaan si ay dhibaatada uga baxaan” sidaa waxaa yiri Garweyne oo la hadlay warbaahinta.

Hadalka qayaxan ee muujinaya wax qabad la’aanta Hey’adaha ee ka soo yeeray Wasiir Garweyne ayaa ku soo beegmaya xili qeyba badan oo ka mid ah Dalka ay ka jiraan abaaro xoog leh oo saameeyay dad iyo duunyo fara badan.

Inta badan hey’adaha sheega in ay wax taakuleeyaan ayaa isku mashquuliya howla aan loo baahneyn iyadoona shacabka ay dhibaatooyin badan wajahayaan.

 www.keydmedia.net

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.