Wasiirro laga warhelay iyagoo heshiisyo saxiixi raba, lagana hortagay

Waxa uu sheegay Xafiiska in illaa laga soo magacaabayo Wasiiradda Cusub, aysan kuwii hore saxiixi karin wax heshiis ah.

Warar Keydmedia Online
Wasiirro laga warhelay iyagoo heshiisyo saxiixi raba, lagana hortagay

MUQDISHO, Soomaaliya - Xafiiska Hantidhawrka Guud ayaa sheegay in uu ka war-helay in qaar ka mid ah Hay’adaha dowladda, ay billaabeen hannaan ay ku gelayaan heshiisyo waa wayn oo malaayiin doollar ay ku kacayso, kuwaasoo saameyn xun ku yeelan doono mustaqbalka dhaqaalaha dalka.

Qoraal uu Hantidhawrka soo saarey, ayuu ku sheegay in laga joojiyay Wasiiradii hore inay galaan heshiisyadaas inta laga helayo Xukuumad rasmi ah, oo maalmaha soo aadan RW Xamze ku dhawaaqi doono, sida qorshaha uu yahay, oo Keydmedia ay ka war-heshay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.