Wax ka ogaaw u jeedka kulan xalay ka dhacay Villa Somalia

Xildhibaanada Mooshinka saxiixay waxay dalbadeen in la keeno Baarlamaanka hortiisa Wasiirka Amniga, Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka, Taliyaha Booliska iyo Agaasimaha NISA, si ay su'aallo la xariira amniga u waydiiyaan.

Warar Keydmedia Online
Wax ka ogaaw u jeedka kulan xalay ka dhacay Villa Somalia

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la qaatay Guddoonka iyo Guddiyada Joogtada ah ee Golaha Shacabka Kadib markii ay xoogeysteen wararka sheegaya in qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ay wadaan diyaarinta mooshin u jeeddooyin kala duwan leh.

Keydmedia Online ayaa ogaatay in kulanka si weyn loogu gorfeeyay sidii guddoonka golaha iyo guddiga joogtada ah oo is kaashanaya ay u hor istagi lahaayeen mooshin nuuc kasta oo uu yahay xilligaan, xilli maalmihii la soo dhaafay si weyn loo hadal hayay arrimaha amniga iyo dood ka dhalatay gunnada laga jaray Ilaalada iyo darawallada Xildhibaannada.

War ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu xusay in MW-nuhu sheegay in Baarlamaanku udub-dhexaad u yihiin qorshaha dalka lagaga xoreynayo Kooxda Al-Shabaab, maadaama ay wakiil u yihiin shacabka Soomaaliyeed ee la rafaadsan dhibaatada iyo gumaadka ay ku hayaan Kooxaha nabadda lidka ku ah ee muddada dheer dagaalka kula jira Dowladda.

Sidoo kale warka waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu ku boorriyey Guddoonka iyo Xildhibannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in ay dardar-geliyaan ansixinta sharciyada iyo siyaasadaha hortabinta u leh dowladnimada ee Xukuumaddu ay u soo gudbinayso, lana xoojiyo wada-shaqeynta ka dhaxeysa goleyaasha dowladda.

Kulankan ayaa ku soo aaday xilli ay dhawaan in ka badan 20 Xildhibaan saxiixeen mooshin ay ku dalbanayeen in Wasiirka Amniga Maxamad Axmad Doodishe lagu horkeeno Baarlamaanka, si su’aalo looga weydiiiyo amniga Muqdisho uu faraha ka baxay, isla-markaana hoggaanka hay’adaha amnigu ka jawaabaan su’aalo la xariira amni darrada jirta.

Sidoo kale Xildhibaannadu waxay dalbadeen in la keeno Baarlamaanka hortiisa Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jen Odowaa iyo Agaasimaha NISA Mahad Salaad, si su'aallo u waydiiyaan sida ay ugu fududaatay inay Al-Shabaab meel u dhaw Madaxtooyadda weerarto, iyadoo wadooyinka baro koontarool yaallaan, oo la baaro gaadiidka.

Kulankan waxaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kala qeyb-galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), Guddoomiye Ku xigeennada Koowaad iyo Labaad ee Golaha Shacabka, Sacdiya Yaasiin Samatar iyo Cabdullaahi Cumar Abshir.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.