Wax ka ogaaw u jeedka safarka MW Xasan ee Riyaad

Dalka Sacuudi Carabiya ayaa martigelinaya shir-madaxeedka Shiinaha iyo Carabta oo maanta ka dhacaya caasimadda dalkaas ee Riyaad kaasoo ay ka qeyb galayaan Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping iyo hoggaamiyayaasha dalalka Carabta.

Warar Keydmedia Online
Wax ka ogaaw u jeedka safarka MW Xasan ee Riyaad

RIYAAD - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka socdaalay dalka Jabuuti ayaa gaaray magaalada Riyadh ee waddanka Sacuudiga halkaasoo uu uga qeyb galayo shirka dalalka Carabta iyo Shiinaha oo maanta ka furmaya Riyaad.

Shir madaxeedka iskaashiga iyo horumarinta ee dalalka Carabta iyo Shiinaha oo ah midkii ugu horreeyay ayaa looga hadli doono iskaashiga Carabta iyo Shiinaha, waxaana ka qeyb gali doona Hoggaamiyaha Shiinaha Xi Jinping iyo hoggaamiyasha dalalka Carabta.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa in shirka ka dib uu kulamo doceed la qaadan doono qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha shirka ka qeyb galaya oo ay ku jiraan kuwa Shiinaha, Sucuudiga iyo hoggaamiyayaal kale oo ka socda dalalka Carabta.

Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Axmed Aboul Gheit ayaa shirkaan ku macneeyay mid muhiimad gaar ah leh, xoojin doona xiriirka ka dheexaya dhinacyada, isla-markaana ka turjumaya rabitaanka siyaasadeed ee Dowladaha ka qeyb galaya shirkaan.

Horraantii bishan, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in Beijing ay tahay "saaxiib istiraatijiyadeed oo daacad ah" door wax ku ool ahna ka ciyaari doonta is-kaashiga iyo horumarinta danaha Bariga Dhexe.

Sida ay sheegtay Xinhua oo ah wakaaladda wararka Shiinaha sannadkii 2021, ganacsiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya dalalka Carabta iyo Shiinaha ayaa gaaray in ka badan $300 oo bilyan, halka uu 265 milyan oo tan oo saliid ah ka keenay Carabta.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.