“Waxaad soo hoyseen Guul Taariikhi ah”

Waa markii ugu horeysay Soomaaliya Guul noocan ah ka gaarto Ciyaaraha lagu qabto Afrika, iyadoo xiligana kusoo beegantay waqti dalka dib u xoreyn ka socoto.

Warar Keydmedia Online
“Waxaad soo hoyseen Guul Taariikhi ah”

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu hambalyeeyay xulka 17 sano jirada ee Maanta wacdaraha ka dhigay Garoon ku yaalla Addis Ababa, oo afka ciida ugu dareen dhigooda South Sudan.

Waxay ku adkaadeen 3-1, oo ahayd natiijo dad badan ka yaabisay, oo lama filaan ahayd, maadaama la ogyahay in Soomaaliya waligeed laga soo adkaan jira, oo marna heerka soo gaarin tartamada.

Ciyaaryahannada, macalimiinta iyo maamulka waxa ay tusaale wanaagsan u yihiin xirfadda iyo dadaalka ciyaarhannada Soomaaliyeed, taas oo aas-aas wanaagsan u ah Xul Soomaaliyeed oo la tartama dhigooda gobolka iyo qaaraddaba," ayuu yiri Xasan Sheekh.

Xulka Kubadda Cagta ee 17 jirrada ah waxay hanteen Koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika 2022, waxaana guushooda si weyn looga soo dhaweeyay gudaha dalka iyo dibadda.

Waxaan si dhow ula socday ciyaaraha xulka 17 jirrada ah ee ku matalayey qarankeenna Isreebreebka Afrika ee heer gobol ee Bariga iyo Bartamaha, taas oo aan dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo bahda ciyaaraha dalka ugu hambalyeynayo hanashada koobkan oo dhabbaha u xaaraya soo noqoshada wacdarihii heer gobol iyo heer qaaradeedba ee Xidagaha Badweynta," ayuu hadalkiisa raaciyay Madaxweynaha.

Waxaa Muqdisho mar qura is qabsaday rasaas dabaal-deg ah kadib markii markii ciyaarta soo idlaatay. Waa markii ugu horeysay Soomaaliya Guul noocan ah ka gaarto Ciyaaraha lagu qabto Afrika, iyadoo xiligana kusoo beegantay waqti dalka dib u xoreyn ka socoto.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.