Maxay salka ku haysaa caqabadda soo wajahday Heshiiskii Qaadka Kenya?

Siyaasiyiin ku dhaw Xasan Sheekh, ayaa Nairobi ka wada olole ay ku doonayaan inay la wareegaan Qandaraaska Qaadka Miraa kadib heshiiskii dib u fasaxidda.

Warar Keydmedia Online
Maxay salka ku haysaa caqabadda soo wajahday Heshiiskii Qaadka Kenya?

NAIROBI, Kenya - Ganacsatada Qaadka Kenya ayaa sheegay inay caqabad kala kulmeen Siyaasiyiin Soomaali ah oo ku sugan Nairobi, kuwaasoo loo xil-saarey fulinta Heshiiskii Miraa.

Gudoomiyaha Ururka Miraa Kimathi Munjuri ayaa shalay Saxaafadda u sheegay in mas'uuliyiin awood ku leh dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ay caqabad ku noqdeen dhoofinta Qaadka.

Waxaa jira siyaasiyiin iyo rag kale oo ka socda dowladda Soomaaliya oo Nairobi  ku sugan, kuwaasoo markii aan la kulanay noo sheegay in ay gacanta ku hayaan warqadda ogolaanshaha Miiraga loo dhoofinayo Soomaaliya, kaliyana ay la shaqeeyaan ganacsatada buuxisa shuruudaha,” ayuu yiri.

Wuxuu Kimathi xusay in uu jira loolan xoog leh oo ku aadan cida maamulaysa dhoofinta Qaadka, iyadoo hadda ay jiraan rag sheeganaya inay ka socdaan dhanka dowladda Soomaaliya oo sheegtay in loo xil-saarey, kuwaasoo 1Kg oo Qaad ah dul-saarey lacag ka badan $4.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay in uu dad gaar ah u dhiibay Qaadka, oo ah meel macaash badan leh, oo malaayiin dollar laga helo bil walba. Horey ayuu Farmaajo ugu xirey ganacsigan walaalkisia Xasan Farmaajo, oo lacag aa du badan ka sameeyay Qaadkii Hareeriga Itoobiya ee Muqdisho kasoo degayay.

Caqabadda taagan ee lacagaha dheeraadka lagu soo rogay Qaadka ayaa sababi karta inuu fashilmo Heshiiskii Xasan Sheekh iyo Uhuru, sida uu sheegay Kimathi.

Labo sano ayay Qaadka Kenya saarnayd xayiraad uu Farmaajo kusoo rogay 2020. Maalin walba Muqdisho 16 illaa 18 diyaaradood baa iman jirtay, waxayna la noqon jireen $400,000 illaa 800,000 oo Kaash ah.

Qaadk ayaa dhibaato Caafimaad, mid bulsho iyo mid amni ku haya shacabka Soomaaliyeed, oo mudo 30 sano dagaal kusoo jiray, islamarkaana aysan haysan dowlad adag oo ilaalisa danahooda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.