Webiga Shabeelle ku fatahay Beledweyne

Webiga Shabeelle ayaa fatahaad ka sameeyay xaafadaha Howl-wadaag iyo Buunda-weyn ee Beledweyne. 

Warar Keydmedia Online
Webiga Shabeelle ku fatahay Beledweyne

MUQDISHO, Soomaaliya - Webiga Shabeelle ayaa xalay ilaa saaka fatahaad ka sameeyay xaafadaha Howl-wadaag iyo Buunda-weyn ee magaalada Beledweyne, waxaana la sheegayaa in ay dadka qarka u saaranyihiin in ay barakacaan.

Sidoo kale xaafadaha Kooshin iyo Dhagax Jebis ayaa laga cabsi qabaa in uu fatahaad ka sameeyo Webiga, waxaana la soo warinayaa in dadka qaar barakac bilaabeen.

Xaaladan cusub wali kama hadlin maamulka degmada iyo gudiga ka hortagga fatahaadda oo dhawrkii bilood ee ugu dambeeyey hawlo carro-tuur ah ka waday tuulooyinka woqooyiga Beledweyne ee Heli-kaliyo iyo Qooqane.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.