Webiga Shabeelle oo Fatahaad Sameeyey iyo dad barakacay

Sidoo kale Buqda Boddaale ayaa biyo badan ku furtay Degmada Balcad, waxaana shacabku ay jawaano carro ah dhigayaan jiinka webiga, maadaama la galay xilliga deyrta oo biyo badan ay ku hoorayaan Webiga.

Warar Keydmedia Online
Webiga Shabeelle oo Fatahaad Sameeyey iyo dad barakacay

JOWHAR, Soomaaliya - Webiga ayaa ku fatahay Xaafado kamid ah Magaalada Jowhar,, ee xarunta maamulka HirShabeelle, waxana cabsi xoogan muujinaya dadka deggan Mahadaay iyo Balcad, kuwaasoo sheegaya in ay waqtigan xamili karin fatahaad kale, maadaama weli ay la nool yihiin dhibaatadii fatahaadii sanadkii hore.

Xaafadaha biyaha uu buux dhaafiyey ee Jowhar waxaa isaga barakacay dhamaan dadkii degganaa, oo aaday xaafadaha aanay weli fatahaadu gaarin isla degmada dhexdeeda ah.

Fatahaadii shalay uu sameeyey webiga Shabeelle ee Jowhar ayaa saameyn ku yeelatay dhul beereed aad u fara badan, iyadoo bur burisay tiro guryo ah ah, sida ay warbaahinta u sheegeen dadka halkaasi ku degganaa.

Sidoo kale Buqda Boddaale ayaa biyo badan ku furtay Degmada Balcad, waxaana shacabku ay jawaano carro ah dhigayaan jiinka webiga, maadaama la galay xilliga deyrta oo biyo badan ay ku hoorayaan Webiga.

Bilihii April, May iyo June ee sanadkii hore ayey ahayd markii fatahaada ugu xooggan ay ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana fatahaadaasi ay saameyn weyn ku yeelatay dadka deggan inta badan deggannada Gobolkaasi, kuwaasoo badankooda xilligaasi soo maciinsaday duleedka Muqdisho.

Maamulka Hirshabeelle ayaa ku guul dareysay in jawaab sugan uu ka bixiyo wal walka dhanka fatahaada ah ee ay la tiicayaan dadka ku nool degganada uu ka arimiyo, mana jirto qorshe muuqda oo ay Maamulku wadaan si ay u xaliyaan dhibka jira, iyadoo webiguna uu ku dhaw yahay inuu karkaarada soo jabiyo, taasoo khasaaraha kordhin doonta.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.