Weerar Khasaaro geestay oo lagu qaaday Xarunta Xawaalada Kaah Express ee Boosaaso

Muqdisho (KON) Koox hubaysan ayaa maanta weerar ku qaaday xafiiska Xawaaladda lacagaha Kaah Express ee magaaladda Boosaaso.
Warar Keydmedia Online

Wararka ayaa sheegaya in kooxahaan ay gudaha u galeen xarunta shirkada ka dibna halkaasi ay ku dileen madax ka tirsan xawaalada Kaah Express, kuwaasi oo kala ahaa:-

1.Cabdiwaaxid Maxamed.

2.Guulleed Xasan Weyrax.

Sidoo kale waxay dhaawac u geesteen Cabdiqaadir Ibraahim iyo Asad Xinbil Cilmi oo ka mid ahaa shaqaalaha Xawaaladaan.

Maamulka sare ee Xawaaladda Kaah Express kama aysan hadlin ilaa iyo iminka weerarka maanta lagu soo qaaday xarunteeda magaalada Boosaaso.

Kooxda weerarka soo qaaday oo ilaa hadda la garanreyn cida ay ahaayeen ayaa goobta isaga baxsaday,waxayna horey usii qaateen guud ahaanba Lacago Xawaaladda ku shaqeyneysay oo tiilay Xarunta.

Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.