Weerar Al-Shabaab qorsheysay oo la fashiliyay

Xog Ciidanka ay ka haleen Sirdoonka ayaa horseeday in la fashiliyo weerarka argagaxiso, oo lagu diyaarinayay xero Al-Shabaab ku leedahay tuulo ku taalla duleedka degmada Diinsoor, ee G/Baay.

Warar Keydmedia Online
Weerar Al-Shabaab qorsheysay oo la fashiliyay

DIINSOOR, Soomaaliya - Taliyaha howlgalinta Ciidamada dowladda ee gobolka Baay Ibraahim Aadan Cali ayaa sheegay inay ka hortageen weerar argagaxiso, oo kooxda Al-Shabaab qorsheysay inay ku qaado saldhigyo militeri.

Xog Ciidanka ay ka haleen Sirdoonka ayaa horseeday in la fashiliyo weerarka argagaxiso, oo lagu diyaarinayay xero Al-Shabaab ku leedahay tuulo ku taalla duleedka degmada Diinsoor, ee G/Baay.

Ugu yaraan 5 xubnood oo katirsanaa kuwii goobta ku sugnaa ayaa lagu dilay iska-hor’imaad Ciidanka dowladda la galeen oo mudo saacado ah qaatay, iyadoo dagaalka uu khasaaro gaarsiiyay dad shacab ah.

“Ciidamada ayaa qabtay Gaari walxaha qarxa lagu xiray oo loo diyaariyay qarax is-miidaamin ah in lagu fuliyo, laakiin Ciidanka ayaa kahor-tagay oo dilay kuwii diyaarinayay,” ayuu yiri G/Sare Ibraahim Aadan.

Wuxuu intaasi ku daray in Ciidanka ay la wareegeen degaanka, islamarkaana ay wadaan howlgallo kale oo lagu baacsanayo Al-Shabaab, oo mudooyinkii dambe isku aruursanaysay duleedka degmada Diinsoor.

Diinsoor waxay kamid tahay degmooyinka go’doonsan ee gobolka Baay, kuwaasoo dadka ku nool ay wajahayaan sicir barar dhanka maciishadda, kadib markii Al-Shabaab ay diiday gaadiidka inay galaan.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casii Lafta-Gareen ayaa dhawaan booqday Xudur, oo ah xarunta gobolla Bakool kadib markii dadka degan ay qalyo-dhaan ka muujiyeen xaalad bini’aadanimo ee haysata.

Amni la’aanta ayaa keentay in Hay’adaha Gargaarka Caalamiga ah ay awoodi waayaan inay ka howlgalaan gobollada Baay iyo Bakool, oo Al-Shabaab ay ku awood badan tahay dhulka miyiga ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.