Weerar culus oo lagu qaadey Saldhiga Degmada Waajid

Dagaalka ayaa waxaa ka dhashay khasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo dadka degaanka ay muujinayaan casbi iyo walaac amni.

Warar Keydmedia Online
Weerar culus oo lagu qaadey Saldhiga Degmada Waajid

WAAJID, Soomaaliya - Dagaal qaraar oo u dhaxeeyay Ciidanka maamulka Koonfur Galbeed iyo Al-Shabaab, ayaa ka dhacay saakay saldhiga degmada Waajid, ee gobolka Bakool.

Dadka degaanka qaar oo la hadlay Keydmedia Online ayaa sheegay in Ciidanka KG weerar kedis ah lagu soo qaadey xili ay hurdayeen, waxayna kusoo tooseen iyadoo xabada ku socoto.

Ciidan gurmad ah oo kasoo ruqaansadey saldhig militeri oo duleedka ku yaalla ayaa kahor tagey inay Al-Shabaab baab'iso askartii booliska ee ku sugnaa saldhigga, oo amnigiisa jilicsan.

Dagaal 30 daqiiqadood socday ayaa ka dhacay goobta, waxaana markii dambe u suurtagashay Ciidanka Koonfur Galbeed inay dib isaga riixaan Al-Shabaab, oo difaacdaan saldhigooda.

Labada dhinaca waxaa soo gaarey khasaarooyin kala duwan, inkastoo aan tirada la ogeyn oo ay adagtay in qadka Taleefonka lagu heloo Mas'uuliyiin maamulka degmada Waajid.

Al-Shabaab ayaa go'doomisay Waajid iyo goobaha kale ee Bakool markii laga saarey 8 sano kahor, iyadoo dadka degaanka ay wajahayaan siciri-barar raashiidka oo si dhib leh ku taga.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.