Weerar ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Muqdisho

Weerar ay soo qaadeen koox ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa waxa uu ka dhacay Isgoyska dabka ee waddada Maka Al-mukarama magaalada Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Weerar ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Muqdisho

Isgoyska Dabka, waa halka uu ka dhacay Iska-hor-imaadka

MUQDISHO - Soomaaliya - Ugu yaraan seddex ruux ay ku geeriyootay dagaal dhex maray Ciidanka ammaanka iyo dablay hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab, kaasoo ka dhacay Isgoyska Dabka ee magaaladda Muqdisho.

Saraakiil ka tirsan booliska ayaa u xaqiijiyay Keydmedia Online in dablay hubeysan oo watay mooto ay rasaas ku fureen Ciidanka Dhar-cadka NISA ee ilaalada gaarka ah ka haya Kaamirooyinka lagu xiray waddooyinka.

Kaamirooyinkan ayaa loogu tala-galay in lagu sugo amniga Muqdisho, islamarkaana looga ilaaliyo qaraxyada lagu xiro oo inta badan kooxda Al-Shabaab ay u arkaan falalkooda kuwa kahor imaanaya, sidaas daraadeedna ay isku dayaan in ay meesha ka saaraan.

Iska hor-imaad xoog leh ayaa meesha ka dhacay, kooxdii soo weerartay Ciidanka dhar cadka ahna waxay isku dayeen in ay cararaan markii ay la kulmeen iska caabin xoog leh, waxaana khasaarihii goobta ka dhashay uu ahaa saddex ruux oo shacaba oo goobta ku geeriyootay.

Midka mid ah kooxdii weerarka soo qaaday oo dhaawac ah ayaa gacanta lagu dhigay, waxaana la dhigay Isbitaalka.

KEYDMEDIA ONLINE.
 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.