Weerar ka dhacay Jaziiradda Kudhaa

Xaaladda degaanka ayaa saakay degan waxaana socda dhaq-dhaqaaqyo iyo howlgallo ay wadaan Ciidamada Kenya ee xalay la weeraray.

Warar Keydmedia Online

KISMAAYO, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ayaa xalay weerar culus ku qaadey saldhig ay Ciidamada Kenya ku leeyihiin Jaziiradda Kudhaa, oo katirsan gobolka Jubbada Hoose ee Koonfurta Soomaaliya.

Ciidamada Kenya ayaa iska caabiyay weerarka, iyadoo labada dhinac uu dhexmaray dagaal ku dhawaad 2 saacadood socday, oo la isku adeegsaday hubka culus iyo midka fudud. Waxaa jira khasaaro, balse tirada illaa hadda lama oga.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.