Weerar ka dhacay Kenya iyo Wararkii ugu dambeeyay

Guddoomiyaha degmada Mandheera, Onesmus Kyatha, ayaa xaqiijiyay dhacdadan, wuxuuna sheegay in gurmad loo diray deegaanka si ay uga daba tagaan kooxihii weerarka soo qaaday.

Warar Keydmedia Online
Weerar ka dhacay Kenya iyo Wararkii ugu dambeeyay

MANDHEERA, Kenya - Aabe iyo wiil uu dhalay ayaa lagu dilay subaxnimadii Shalay Waqooyiga Mandheera kadib markii rag katirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen gaari ay la socdeen, sida ay booliiska Kenya uu sheegay.

Labada qof ayaa watey gaari Landcruiser ah markii uu weerarku ka dhacay waddada Rhamo-Elwak, saraakiisha booliisku waxay sheegeen in saddex qof oo kale oo rakaab ah ay ku dhaawacmeen falkan.

Guddoomiyaha degmada Mandheera, Onesmus Kyatha, ayaa xaqiijiyay dhacdadan, wuxuuna sheegay in gurmad loo diray degaanka si ay uga daba tagaan kooxihii weerarka soo qaaday.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in dableyda Al-Shabaab ay rasaas ku fureen gaariga oo xowli ku socday kadib markii darawalka uu diiday inuu istaago. Degaankan dhacdadan ka dhacday ayaa ku dhow xadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya.

Baabuurkan ayaa waxuu u kireysnaa hay'ad maxalli ah  oo lagu magacaabo Action Against Hunger, oo ka hawl-gasha Takaba, taasoo olole caafimaad ka wadey gobolka, oo ay ka dhacaan inta badan weerarada Al-Shabaab, ee ka yimaada dhinaca dalka Soomaaliya.

Darawalkii gaariga ayaa la la’yahay sida ay booliisku sheegeen, waxaana loo maleynayaa inay afduubatay Al-Shabaab, oo lagala gudbay xadka Soomaaliya.

Horaantii bishii hore ayay ahayd markii gaari ambalaas ah oo laga leeyahay Manddeera lagu weeraray wadada Lafey iyo Ceelwaaq. Afartii qof ee la socotay gaariga ayaa markii dambe la sii daayay kadib markii ay labo maalmood ku sugnaayeen Soomaaliya.

Gobolka xuduudka ayaa waxaa ka dhacay weeraro isdaba joog ah oo uga imaanayay Al-Shabaab, oo xilliyada qaar gacan siiya dadka degaanka. Soomaaliya ma aysan helin dowlad xasiloon kadib ridistii Maxamed Siyaad Barre 1991.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.