Weerar ka dhacay magaaladda Baydhabo

Laamaha amniga Koonfur Galbeed ayaa sameeyay howlgallo kadib qaraxa, waxaana la sheegay inay usoo qabteen weerarka dhowr qof oo la tuhmayo.

Warar Keydmedia Online
Weerar ka dhacay magaaladda Baydhabo

BAYDHABO, Soomaaliya - Qarax ayaa xalay lagu weeraray fariisin Ciidanka booliska Koonfur Galbeed ku leeyihiin magaaladda Baydhabo, ee xarunta gobolka Baay.

Goobjooge la hadlay Keydmedia Online ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa bam gacmeed lagu tuurey goob ay Ciidanka ku baaraan gaadiidka oo laga soo galo magaaladda, waxaana xigay rasaas la riday.

Khasaarooyin kala duwan ayaa la sheegay inuu ka dhashay qaraxa, balse lama oga tirada rasmiga ah illaa hadda. Baydhabo ayaa mudooyinkii dambe waxaa kusoo badanayay weeraro iyo dilal qorsheysan.

Magaaladda ayaa isku diyaarinaysa doorashadda Xildhibaanadda Koonfur Galbeed ugu mateli doono Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya, taasoo dib uga dhacday waqtigii loo qorsheeyay oo ahaa 1-da December 2020.

Kooxda Al-Shabaab ayaa isku dayaysa inay carqaladeyso doorashooyinka soo socda ee dalka, iyadoo kordhiyay weeraro ay ku qalqal-gelinayso amaanka, oo ay ku qaadeyso magaalooyinka la filayo inay codbixinta ka dhacdo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.