Weerar ku billowday qarax oo ka dhacay G/Hiiraan

Degaanka ayaa maalmo kahor laga saarey Al-Shabaab, iyadoo hadda ay gacanta ku hayaan Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka ee hubeysan.

Warar Keydmedia Online
Weerar ku billowday qarax oo ka dhacay G/Hiiraan

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Qarax iyo dagaal isla socda ayaa maanta ka dhacay degaanka Ceel-Qooxle oo ku dhaw degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaasoo howlgallo ka socdeen maalmihii lasoo dhaafay.

Al-Shabaab ayaa weerarka soo qaadey, iyadoo bartilmaameedsatay goob ay ku sugnaayeen Ciidamada dowladda iyo Malleeshiyadda Macawiisleey, waxaana ay ku dishay askar iyo dad kale oo Nabadoon kamid yahay.

Ciidamada ayaa iska caabiyay kuwa weerarka kusoo qaadey, iyadoo xaaladda degaanka wali ay kacsan tahay, oo dhaawacyo iyo meydadka goobta laga soo qaadayo, waxaana la ogeyn tirada khasaaraha illaa hadda.

Waxaa jira warar sheegaya in weerarka uu ku dhintay Nabadoon caan ka ahaa Hiiraan oo lagu magacaabi jiray Cimi Hagar Guure, oo katirsanaa dadkii degaanka ee hubka u qaatay Kooxda Al-Shabaab.

Degaanka ceel-Qooxle, ayaa maalmo kahor laga saarey Al-Shabaab, iyadoo hadda ay gacanta ku hayaan Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka ee hubeysan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.