Weerarkii Tawakal hotel oo dhamaadey iyo dhimashada oo korortay

Bishii July 2019 AlShabab ayaa 26 oo Hodan Nalayeh ay ku jirtay. 

Warar Keydmedia Online
Weerarkii Tawakal hotel oo dhamaadey iyo dhimashada oo korortay

KISMAAYI, Soomaaliya - Waxaa lasoo afjarey weerarkii Tawakal hotel ee magaaladda Kismaayo.

Yuusuf Dhuumaal, wasiirka amniga Jubbaland ayaa xaqiijiyay in la toogtay 3 dabley ah oo gudaha u galey qaraxa  baabuur kadib.

Wasiirka ayaa xusaya in Ciidanka Amniga ay soo badbaadiyeen dad badan oo gudaha ku go'doonsanaa 5 saac.

Xiliga weerarka waxaa ka socday hotel-ka shir muhiim ah looga hadlayay duulaan ka dhan ah Al-Shabaab.

Dhimashadda waa 9, halka Dadka ku dhaawacmay ay gaarayaan illaa 47 qof, oo la geeyay Isbitaalka.

Al-Shabaab ayaa July 2019 weerartay Cascaseey Hotel, waxayna ku dishay 26 qof, oo Hodon Nalayeh ay ku jirtay, iyado iyi ninkeedIi.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.