Wiil dhalinyaro ah oo Beledweyne lagu dilay

Falkaan ayaa bulshada Beledweyne ku noqday mid la yaab leh, waxuuna ka mid yahay dhacdooyinka dhif iyo naadirka ah.

Warar Keydmedia Online
Wiil dhalinyaro ah oo Beledweyne lagu dilay

Muqdisho, Soomaaliya - Waxaa Xalay xaafadda Buunda-weyn ee magaalada Baladweyne lagu dilay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Caydaruus Calawe Siyaad oo kamid ahaa dhalinyarada Muuto Bajaajka uga shaqeeysta Magaalada.

Lama yaqaan cida dishay wiilkaan, balse
Agaasimaha Isbitaalka Guud ee Gobolka Hiiraan Dr Suleeyman Cabdi Cali ayaa sheegay in Marxuumka isbitaalka la keenay baaritaan dheer kadib la ogaaday in lagu dilay Tooreey lagala dhacay qeeybta sare ee jirka, taasi oo ugu danbeeyn sababtay in uu u geeriyooda.

Ciidamada amaanka Baladweyne ayaa gaaray goobta uu dilka xalay ka dhacay, waxeyna halkaasi ka bilaabeen baaritaanno lala ariiro ciddii dilkaan ka dambeysay iyo siduu u dhacay.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.