Xaalad kacsanaan ah oo ka jirta Beledweyne

Dadka ayaa kasoo horjeeda imaanshaha Cali Guudlaawe, Madaxweynaha maamulka HirShabeelle oo aan laga taageersanayn gobolka Hiiraan.

Warar Keydmedia Online
Xaalad kacsanaan ah oo ka jirta Beledweyne

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Dibadbaxyo rabshado wata ayaa ka qarxay Beledweyne, kuwaasoo looga soo horjeedo booqasho la sheegay inuu Cali Guudlaawe ku tagayo magaaladda.

Rasaas xoog leh ayaa meelaha qaar magaaladda laga maqlay, iyadoo wararka ay sheegayaan in Malleeshiyaad hubeysan oo uu hogaaminayo Col Dheere inay soo galeen Beledweyne.

Shacabka gobolka Hiiraan ayaa aad uga soo horjeeda maamulka Cali Guudlaawe, iyagoo ka gadoodsan wax ka bedelka uu Farmaajo ku sameeyay habka awood-qeybsiga HirShabeelle.

Waxaa lagu dhisay Maamulka Heshiis Beelaha Sh/Dhexe iyo Hiiraan ay galeen, kaasoo dhigaya in Xawaadle noqdo Madaxweyne, Abgaal-na Caasimada iyo Madaxweyne ku xigeen qaato.

Cali Guudlaawe wuxuu moodey in hadii Villa Somalia kasoo saartey Beledweyne ninkii sida aadka uga soo horjeeday ee Jen Xuud inuu tagi karo magaaladda," ayuu yiri qof kamid ah dadka degaanka, oo KON la hadlay.

Jen Abuukar Xuud ayaa la keenay Muqdisho, waxuuna uu la kulmay Farmaajo, iyadoo ujeedka uu yahay in Fahad Yaasiin uu si nabad ah kursiga Gollaha Shacabka uga raadsado Beledweyne.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.