Xaaladda barakacayaasha oo aad u liidata

Ilaa iyo hadda ma helin wax gargaar ah, waxaana halis ku jirta nolosha qaar ka mid ah dadka gudaha dalka ku barakacay.

Warar Keydmedia Online
Xaaladda barakacayaasha oo aad u liidata

MUQDISHO, Soomaaliya- Magaalada Muqdisho waxaa soo maciinsaday, barakacayaal ka soo hayaamay gobollad dalka sababo la xiriira abaaraha jira.

Dadkan oo yaalla bannaan cidlo ah, iyo xeryo ay ka dhamaadeen bacaha, ayaa wajahaya xaalad halis ah, oo u baahan in laga jaawaabo.

Barakacayaashan ma heystaan, waxyaabaha bud-dhiga u ah nolosha aaddana sida, cunnada, biyaha caafimaadka iyo wixii la mid ah, taas oo noloshooda walaac badan ku abuurtatay.

Tirada barakacayaasha soo maciinsanaya duleedka Muqdisho waa mid maalinba maalinta ka danbeysa kordheysa, welina dadkaas ma helin gurmad rasmi ah oo wax ka baddeli kara noloshooda.

Barakacayaasha ku nool duleedka Muqdisho, ayaa sheegaya in ay ka niyad jabeen nolosha, waxeyna maamulka cusub ee gobolka banaadir ka dalbadeen inuu kaalin ka geysto sidii loo samata bixin lahaa.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.