Xaalufinta dhirta oo kaalin weyn ku leh abaaraha

Soo noq noqoshada abaaraha dalka ka jira, waxaa kaalin weyn ku leh xaalufinta dhirta, welina Soomaalidu kuma baraarugsana.

Warar Keydmedia Online
Xaalufinta dhirta oo kaalin weyn ku leh abaaraha

MUQDISHO, Soomaaliya- Waxaa si joogta ah gudaha dalka uga socda jarida dhirta, taas oo badankeed dhuxul laga sameeyo, waana arrin door ballaaran ka qaadaneysa abaaraha dalka ka jira.

Dad Soomaaliyeed, ayaa nolol maalmeed ka raadiya in ay dhirta gooyaan, kadibna dhuxul ka shidaan, si loogu iibgeeyo suuqyada Soomaaliya ama dalal u badan kuwa Carabta.

Soomaalida in muddo ah, dhaqan u lahayd in raashinka ay ku karsadaan dhirta la shiday ee dhuxusha, balse xilligan bulshada dhaqaale ahaa ku nool dabaqada sare iyo kuwa dabaqada dhexe, waxey isticmaalaan gaaska cunnada lagu karsado.

Dadka dhaqaale ahaan meelaha hoose uga jira nolosha, ayey iminka ku hartay isticmaalka dhuxasha, kuwaa oo si joogta ah u iibsada, maaddaama aanay awoodin gaaska cunnada lagu kariyo.

Qubarada baratay cilmiga deggaanka, ayaa sheegaya in xaalufinta dhirta ay saameyn weyn ku leedahay abaaraha soo noq noqanaya, oo uu iminka dalku la daalaa dhacayo.

Waxey leeyihiin " Dhirta oo la jaro ayaa keeni karta nabaad guurka dhanka deggaanka ah iyo roobabka oo soo daaho" waana arrin ka mid ah caqabadaha waqtigan heysta gayiga Soomaaliya.

Kuwa dhirta jaraya ee nolosha maalinlaha ka raadinaya iyo ganacsatada dhoofineysa, ayaanan ku baraarugsaneyn khatarta ka dhalan karta howsha ay ku guda jiraan.

Gudaha dalka meelaha ugu badan ee dhirta laga gooyo, ayaa waxaa ka mid ah gobollada Jubooyinka, Sanaag iyo Shabeelaha hoose, welina dalku malahan sharci rasmi ah oo lagu joojinayo xaalufinta lagu hayo deggaanka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.