Xaaska Jamaal: Dhabar jabinta dadaalka Xasan Sheekh

Hodan waxa ay masuul ka ahayd in Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ay shatiyo kalluumeysi oo sida loo bixiyay mugdi ku jiro siiso 15 iskaashato iyo 83 shirkadood oo ku bahoobay Ururka Kalluumeysiga Shiinaha (COFA) kaliya sanadihii 2018, 2019 iyo 2020.

Warar Keydmedia Online
Xaaska Jamaal: Dhabar jabinta dadaalka Xasan Sheekh

MUQDISHO, Soomaaliya – Sida ay muujinayaan xogo loo qaateen ah, xubno ka tirsan saraakiisha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa billaabay qorshe ay doonayaan in ay iskaga hor keenaan dalalka reer galbeedka ee Maraykanku ugu horreeyo iyo Dowladda Federalka.

Xubnahaan oo ay hoggaamineyso Hodan Cismaan Cabdi oo ahayd la-taliyaha Farmaajo ee dhinaca arrimaha maalgashiga, isla-markaana ah marwada Wasiirkii hore ee qorsheynta Jamaal, kaasoo ah gacanta midig ee Farmaajo ayaa heshiisyo qarsoon la galay Shiinaha.

Hodan oo horraantii July uu Ra’iisul Wasaare Xamse u magacaabay la-taliyahiisa Arrimaha xariirka caalamiga ah, ayaa heshiis uusan waxba kala socon xafiiska Madaxweyne Xasan oo ku saabsan ballaarinta kalluumeysiga la gashay Ururka Kalluumeysiga Shiinaha (COFA).

Sidoo kale Hodan iyo xubnaha wehliya ee ka socda xafiiska RW Xamse ayaa magaalada Abu Dhabi ku saxiixay in shirkad gaar loo leeyahay oo ka dhisan Shiinaha lagu wareejiyo mashruuc Electronic System looga dhigayo shaqada Wasaraasadaha Xukuumaddda.

Xogaha aan helnay waxa ay muujinayaan in Hodan dadaal xooggan ku bixisay bilihii la soo dhaafay sidii Shiinuhu uu Maraykanka kula loollami lahaa Soomaaliya, waxayna door ku lahayd in Safiirka Shiinha iyo Ra’iisul Wasaraha Soomaaliya is arkaan in ka badan shan jeer.

Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa tallaabooyinkaan ku macneeyay in ay dhabarjab ku yihiin dadaallada Madaxweynahu ku doonayo inuu Maraykanka kaga helo taageero ay ugu horreyso dagaalka Al-Shabaab, deeqda gurmadka abaaraha iyo mid siyaasadeedba.

Soomaaliya waxaa maal-galiya reer galbeedka Mareykanku hoggaamiyo oo siyaasaddoodu si weyn uga gadisan tahay midda Shiinaha, taasoo abuuresha su’aasha ah “Xukuumadda Xamse ma waxa ay dimuqraadiyadda Mareykanka ka doortay digtaatooriyadda Shiinaha?”.

DHEERAAD;

Hodan waxa ay waxbarashadeeda heerka sare ku qaadatay Shiinaha, ku dhawaad Sideeddii sano ee la soo dhaafay waxa ay ka shaqeyneysay safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha, waana sababta shakiga galineysa la-talinteeda ku aaddan Arrimaha xariirka caalamiga ah.

Hodan oo ka faa’iideysaneysa wada shaqeynta ka dhaxeysay saygeeda Jamaal iyo Farmaajo, isla-markaana ciyaareysa doorkeeda la-taliyaha maalgashiga, waxa ay gacan ka gaysatay fududeynta in DF ay shatiyo ganacsi siiso shirkado kalluumaysi oo Shiinuhu leeyahy.

Waxa ay masuul ka ahayd in Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda, ay shatiyo kalluumeysi oo sida loo bixiyay mugdi ku jiro siiso 15 iskaashato iyo 83 shirkadood oo ku bahoobay Ururka Kalluumeysiga Shiinaha (COFA) kaliya sanadihii 2018, 2019 iyo 2020.

Saddexdaas sano shirkadahaas waxaa laga qaaday kaliya $3,135,000, sida lagu sheegay warbixinta baarista gaarka ah ee Maareynta Kalluumaysiga ee xafiiska Hanti-dhowrka Guud, halkii laga qaadi lahaa dakhli gaaraya ugu yaraan US $56,625,000, oo dollar.

Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee qaranka wuxuu dhamaadkii 2020 sheegay in Soomaaliya aysan helin dakhligaas 60-ka milyan ku dhow oo ku waajibay marakiibta longliner-ka, sabab la xariirta in aan la uruurin taas oo lid ku ah Sharciga Kalluumaysiga Soomaaliya.

Marka laga soo tago wax is daba-marinta Hodan, waxaa lagu xasuustaa dagaalkii afka ahaa ee ay ku qaadday madaxa laanta Af-Soomaaliga ee (VOA) Cabdiraxmaan Yabarow intii uu socday shirkii Madasha Aragti Wadaagga ee Heritage ee ka dhacay Jabuuti sanadkii 2021.

Hodan oo difaacaysa saygeeda Jamaal, waxa ay Cabdiraxmaan Yabarow oo madasha ka dhiibtay argti lid ku ahayd hadal uu Jamaal sheegay, ku tilmaantay in hadalka Yabarow uu yahay dhaleceyn iyo naqdi toos ah oo an waxba dhiseyn u jeedaduna tahay “kuma jecli”.

Hodan waxa ay weerar ku qaaday VOA, iyadoo marka fasiraad gaar ah la saaro hadalkeeda la dareemi karo inuu ka dhex guuxayay dareen shuucinnimo, in aysan oggoleyn kala aragti duwanaanta, in qofku ka hadlo aragtidiisa iyo in ay ku ababtay is-caburinta Bariga Aasiya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.