Dhagaxdhigga Madaxtooyada iyo Baarlamaanka Maamul Goboleedka Galmudug (Masawiro)

Waxaa magaalada Galkacyo manta ka dhacay dhismayaasha xarumaha madaxtooyada iyo baarlamaanka waxaana ka soo qaybgalay munaasibadaasi mas'uuliyiin sar sare oo ka tirsan maamulka Galmudug oo uu hogaaminaayo madaxweynaha Galmudug Maxemed Axmed Caalin, madaxweyna kuxigeenka Cabdisamad Nuur Guuleed, Gudoomiyaha Baarlamaanka Xasan Maxamud Hayl, Gen Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, Xubno ka tirsan labada Gole Ee xukuumada iyo baarlamaanka, Ururada haweenka, ardayda dugsiyada H/dhexe sare, Xubno ka Socda jaaliyadaha dibada ee Galmudug iyo marti sharaf kale oo fara badan.
Warar Keydmedia Online

Qurba joogta waqooyiga Amerika oo ku dhiira galiyay guddomiyaha barlamanka Galmudug in uu horsed u noqao fulinta dhisidda xarumahaasi, ayaa ugu horayntii halkaasi ka hadlay wuxuuna sheegay in qarashka dhismayaashaasi ku baxaayo ay bixinayaan jaaliyadaha Galmudug ee debadda ku nool. Wuxuu kaloo hadalkiisa ku daray in loo baahanyahay in ay qeeb muuqato ka qaataan qeebaha kala duwan ee bulshada deegaanka, sida Ganacsatada, ardayda jaamacadaha iyo dugsiyada

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Gen Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, wuxuuna ugu horayntt amaan balaaran u soo jeediyay bulshada reer Galmudug sida wanaagsan ay u garab taagan yihiin Maamulkooda. Wuxuuna Gen Cabdi Qaybdiid xusay in ay sidoo kale haboontahay in wadooyinka la hagaajiyo si xaafadaha Magaalada Gaalkacyo bilicda iyo quruxda magaalada loo muujiyo. Waxa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in Goor dhaw la soo afjari doono xarumaha hada la dhagax dhigay, taliska booliska Galmudugna Xarumo loo sameyn doono.

Ugu dambeentii waxaa halkaasi qudbad kooban ka jeediayay Madaxweynaha Galmudug Maxemed Axmed Caalin oo xusay in dhagaxdhiga dhismaha xaruunta madaxtooyada iyo barlamaanka Galmudug ka kooban yahay illaa labo dabaq oo ah dhismayaal aad u balaaran. Wuxuuna dhagaxdhigay halka laga dhisayo xarunta cusub ee madaxtooyada iyo baarlamaanka.

Dhismayaasha waxay ka koobnaan doonaan laba dabaq oo leh jardiimo waa weyn ayadoona uu dhismaha baarlamaanka uu ka kooban yahay hal dabaq oo shub ah, lehna hoolal waaweyn oo lagu shiri karo.

Mohamed Ali (edit.)


    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.