XARARDHEERE – Xubnihii Al-Shabaab oo birta iska aslay

Sida ay xogaha dheeraadka ah sheegayaan xubnihii baxsadka ahaa intii la dilay maahee intii kale waa la xiray. Dagaalka kadib Al-Shabaab waxa ay xubnahooda gobolka Mudug ku sugan ku soo rogtay amar ah in dagaallame kasta halka lagu ogyahay uusan ka tagi Karin.

Warar Keydmedia Online
XARARDHEERE – Xubnihii Al-Shabaab oo birta iska aslay

XARARDHEERE, Soomaliya – Sida ay sheegtay Dowladda Soomaaliya dagaal u dhaxeeya dagaallamayaal ka wada tirsan Kooxda Al-Shabaab ayaa ka dhacay magaalo xeebeedka Xarardheere ee gobolka Mudug oo ay hadda ku wajahan yihiin ciidamada Dowladda.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii dagaallmayaal taabacsan horjoogaha lagu magacaabo Muxudiin Daqare ay magaalada dhinac uga baxeen, ayagoo ka gadoodsan horjoogayaal kale oo jooga magaalada taasina sababtay dagaal ay ku naf waayeen ugu yaraan 10 xubnood

Wakaaladda Wararka ee afka Dowladda ku hadasha waxa ay sheegtay in xubnaha gadoodka ahaa ay doonayeen in ay u baxsadaan dhanka degmooyinka Al-Shabaab xorta ka ah ee gobolka Mudug iskuna dhiibaan ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Nuunaale oo ah horjoogaha haysta kooxda ay ugu yeeraan Jamhadda ayaa la sheegay inuu amray in xoog lagu hor istaago xubnaha baxsadka ahaa, taasoo keentay inuu qarxo dagaal socday mudo saacad ah oo oo dhaliyay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh.

Sida ay xogaha dheeraadka ah sheegayaan xubnihii baxsadka ahaa intii la dilay maahee intii kale waa la xiray. Dagaalka kadib Al-Shabaab waxa ay xubnahooda gobolka Mudug ku sugan ku soo rogtay amar ah in dagaallame kasta halka lagu ogyahay uusan ka tagi Karin.

Sidoo kale waxa ay soo saareen in gaadiidka nuuc kasta oo ay haystaan aan laga dhaqaajin karin halka uu yaalo, ilaa amar danbe, taasoo muujineysa kala firxadka xooggan iyo kala shakiga gacan ka hadalka gaaray ee ka dhex jira Kooxda Al-Shabaab.

Tan iyo bishii July Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa lumisay dhulkii ugu badnaa oo ay gacanta ku heysay koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, taasoo sababtay in xubnaheedu kala firxadaan, kadib Dowladdu ku dhawaaqday in aan la joojin doonin dagaalka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.