Xarun lagu dayactiro diyaaradaha oo laga dhagax dhigay Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho laga dhagax dhigay xarunta dayactirka diyaaradaha, taasoo muddo soddon sano ah kaddib dib loo furi doono!

Warar Keydmedia Online
Xarun lagu dayactiro diyaaradaha oo laga dhagax dhigay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa maanta magaaladda muqdisho laga dhagax dhigay xarruun lagu dayactirayo diyaaradaha, taas oo ay fullin doonto shirkad lagu magacaabo AEROSOM CO. LTD oo ah Shirkad ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed oo ka shaneysa shirkadda Favori ee maamusha garoonka Aadan Cadde.

Munaasabaddaan dhagax dhigga xarruuntaan oo ka dhacday gudaha Airport-ka waxaa kasoo qayb galay Wasiirka duulista hawadda, Xildhibaano, Wasiiro ka tirsan Dowladaha Xubnaha ka ah DF, Maareyaha Hay'adda duulista rayidka, Maamulka Gobolka Banaadir, Rugta Ganacsiga, Guddiga adeegga diyaaradaha ee dalka ( AOC) iyo Qaybaha kala duwan ee bulshada.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.