Xaruntii Canshuurta Al-Shabaab oo la burburiyay

Al-Shabaab ayaa hadda soo wajahay culeyso dhinac kasta ah, iyadoo ku billowday weeraro dhulka iyo Cirka ah gobollada ay Maamusho ee Koofurta dalka.

Warar Keydmedia Online
Xaruntii Canshuurta Al-Shabaab oo la burburiyay

MUBARAK, Soomaaliya - Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa burburiyay Xaruntii Canshuuraha Al-Shabaab ay ku lahayd degaanka Mubaarak ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, howlgalka waxaa ku dilay hogaamiyihii Al-Shabaab ee degaanka, iyadoo lagu dhaawacay ku dhawaad ​​tobaneeyo.

Hogaamiyihii Al-Shabaab ee dilay ayaa magaciisa lagu soo koobay Carab. Dadka dhaawacmay ayaa waxaa ku jira Cismaan Daa’uud oo ahaa mas’uulkii ugu sarreeyay Al-Shabaab ee Mubaarak iyo Aw Maay oo Al-Shabaab u qaabilsanaa lacagaha canshuurta.

Bartilmaameedka howlgalka Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ayaa ahaa xarunta dhaqaalaha ee kooxda, waxaana xilliga la weeraray ku sugnaa xaruntaasi hogaamiyeyaal ka tirsan Al-Shabaab.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa deegaano dhowr ah oo ka tirsan Soomaaliya ka bilaabay aargoosi ka dhan ah Al-Shabaab sida dowlad goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug iyadoo ciidamaduna ay wadaan isku ballaarin ay ku sameynayaan dhulka ay maamusho kooxda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.