Xasan oo soo gaabiyay Safarka Kenya, kuna noqday Muqdisho

Booqashadda ayaa billaabatay shalay duhurkii, waxaana uu qorshaha ahaa inuu labo maalin oo buuxda joogo, maalin uu Uhuru la kulmayo iyo Maalin Jaaliyadda Soomaaliya ee Nairobi.

Warar Keydmedia Online
Xasan oo soo gaabiyay Safarka Kenya, kuna noqday Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta Caasimadda dalka dalka, ee Muqdisho dib ugu soo laabtay kadib booqasho qaadatey 24 saacadooda uu ku tagey Kenya.

Shalay duhur ayuu tagey Nairobi, Maantana duhurkii wuxuu ka degay Muqdisho, iyadoo tani ay muujinayso in Madaxweynaha uu soo gaabiyay safarkiisa Kenya oo la qorsheeyay inuu qaato Labo maalmood, maalin uu Uhuru la kulmayo iyo Maalin Jaaliyadda Soomaaliya ee Nairobi.

Xasan Sheekh iyo dhiggiisa Kenya oo yeeshay wadahadallo, ayaa ku heshiiyay xoojinta iskaashiga amniga, dhaqaalaha, ganacsiga, fududeynta dal ku-galka, dhaqdhaqaaqa badeecadaha, kor u qaadidda xiriirka diblomaasiyadeed iyo siyaasadeed ee labada dal.

Villa Somalia ayaa sheegtay in Madaxweynaha uu diirradda saaraya xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya la leedahay dalalka Gobolka Geeska Afrika - Kenya, Jabuuti, Itoobiya, Uganda iyo Eritrea, oo dhawaan uu kasoo laabtay.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in ahmiyad u leedahay Soomaali heshiis inay la noqoto dariskeeda, iskana kaashadaan dhinacyada adkeynta xasilloonida, horumarka iyo wada-noolaanshaha shucuubta.

Madaxtooyadda ma aysan fahfaahin sababta Madaxweynaha usoo gaabiyay safarkiisa Kenya. Warar ayaa sheegaya inay soo dhawdahay waqtiga ku dhawaaqista Gollaha Wasiiradda cusub.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.