Xasan Sheekh: Cidna lagama yeelayo in xukunka xoog ku joogo

Siyaasadda halaga wada hadlo, madaxda joogta hala dhowro kuwa hamigga lehna hala dhowro dadkana halloo turo, ayuu yiri MW Xasan Sheekh.

Warar Keydmedia Online
Xasan Sheekh: Cidna lagama yeelayo in xukunka xoog ku joogo

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ka hadlay xaaladda dalka, dagaalka Al-Shabaab iyo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan maamulka Koonfur Galbeed.

Khudbadii Shalay Salaaddii Jimcaha kadib Masjidka Madaxtooyadda ka jeediyay, ayuu Xasan Sheekh yiri: "Ma joogno waqtigaan dhexdeena dagaallami lahayn ee waxaan joognaa xiligii aan cadowga iska xoreyn lahayn".

Mar uu ka hadlay xaaladda Baydhabo ayaa Madaxweynaha ku tilmaamay dagaalkii shalay ka dhacay magaaladda mid laga murugoodo, oo sidoo kale ah wax laga xumaado in xiliga dhiig loo diidayo kursi iyo xukun jacayl.

Baydhabo waxa ka dhacay saaka, waa wax aad iyo aad looga murugoodu loogana xumaado. Ma joogno waqtigaan dhexdeena dagaallami lahayn ee waxaan joognaa xiligii aan cadowga iska xoreyn lahayn. Siyaasadda halaga wada hadlo, madaxda joogta hala dhowro kuwa hamigga lehna hala dhowro dadkana halloo turo," buu yiri.

Waxa uu intaas ku daray in dowladda uu hogaamiyo aysan taageeri doonin qof raba inuu kursiga xoog iyo sharci-daro ku joogo, waxaana fariintan u dirayay hogaamiyeyaasha Maamullada ee hadda mudo-korarsiga sameystay.

Hadalka Xasan Sheekh ayaa imaanaya xili Baydhabo ay ka taagan tahay xiisadda siyaasadeed, oo gacan-ka-hadal isku bedeshay, kadib markii shalay dagaal uu ka dhacay xaafadda Bardaale, oo uu degan yahay Musharax mucaarad ah oo lagu magacaabo Maxamed Aadan Farkeeti.

Inta la ogyahay labo qof ayaa ku dhimatay, tiro kalena way ku dhaawacmeen dagaalka, iyadoo xaaladda ay tahay hadda mid degan, oo xaafadda ay tageen Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed.

HOOS KA DAAWO MW XASAN KHUDBADIISA: 

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.